Steve McManaman Oo Saadaaliyey Afarta Kooxood Ee U Gudbaya
Halyeygii xulka qaranka England iyo kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ee Steve McManaman ayaa saadaaliyey wareegga siddeedda ee tartanka Champions League, waxaanu lasoo baxay afarta kooxood ee u gudbi doona semi-finalka.
Wareegga siddeeda Champions League ayaa la ciyaari doonaa usbuucan iyo toddobaadka dambe, iyadoo ay kooxuhuna iskugu dhaceen sidan: Real Madrid vs Liverpool, Manchester City vs Borussia Dortmund, Bayern Munich vs PSG iyo FC Porto vs Chelsea.
Steve McManaman ayaa usoo ciyaaray laba ka mid ah kooxaha usoo gudbaya marxaladdan, nasiibkiisana way isku dhaceen, waana Real Madrid oo uu la qaaday Champions League sannadkii 2002 iyo Liverpool oo uu waqti ku qaatay.
McManaman oo u warramay warbaahinta ayaa waxa uu bixiyey saadaal la xidhiidha kooxaha afarta ah ee u gudbi doona wareegga xiga ee semi-finalka, waxaanu kala saaray Real Madrid iyo Liverpool oo uu la saftay kooxda uu waqtiga dheer ku qaatay ee Ingiriiska ah ee Liverpool oo uu u saadaaliyey in ay isku-darka labada ciyaarood guusha ku heli doono, una gudbayso wareegga semi-finalka.
Manchester City ayuu sidoo kale u saadaaliyey in ay kasoo dul-tallaabsanayso Borussia Dortmund oo ay ku beegantay. Sidaas oo kale ayuu uga farxiyey Chelsea oo saadaashiisu ay muujisay in ay soo dhaafi doonto FC Porto.
Saadaashan ayaa ka dhigan in saddexda kooxood ee Ingiriiska ah ee Liverpool, Manchester City iyo Chelsea ay usoo gudbayaan wareegga semi-finalka, taas oo haddii ay dhacdo u damaanad-qaadaysa in koox Premier League ah ay finalka timaaddo.