Cumar C/rashiid oo ka digay wadahadalada fashilmay

Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar C / rashiid Cali Sharmaarke ayaa bartiisa Twitterka kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan caqabadaha hortaagan doorashada.

Cumar ayaa ugu horeyn diirada saaray shirarka daneeyayaasha, caqabadaha hortaagan in dalka ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo iyo muhiimada kulamada socda ee xal loogu raadinayo hirgalinta heshiiskii Sebtember 17, 2020

Wuxuu ka digay in lagu guuldaraysto wadahadalada socda ama laga weeciyo wadada saxda ah loona abuuro qorshe siyaasadeed cusub oo lagu xoojiyo heshiiskii doorashada ee Sebtember 17, 2020.

“Haddii daneeyayaasha siyaasaddu ay si dhab ah u wada hadlaan, waxaa la samayn karaa doorasho lagu kalsoonaan karo. Waxa ugu muhiimsan ee daneeyayaashu ay ka siman yihiin ayaa ah inay ka wada hadlaan geedi socodka gorgortanka ajandaha si faahfaahsan oo haddii dhexdhexaadintu ay guul darreysato ama farsamada la weeciyaa, waa wuu dhici doonaa. “ Sidaas waxaa yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Wadahadalka siyaasadeed ee u dhexeeya hogaamiyayaasha dowladda federaalka ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa ah fursadii ugu dambeysay ee looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan caqabadaha horyaala.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More