Afar Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Liverpool Xasquuday Arsenal
1. Jota oo booskiisa xalaaleystay
Waxaa la gaaray waqti uusan tababare Jurgen Klopp kursiga keydka ku soo heyn karin Diogo Jota.
Dad badan ayaaba ku doodaya in waqtigaas goor hore la soo dhaafay. Xilli ciyaareedkan wuxuu ahaa weeraryahanka kaliya ee qaab ciyaareed joogta ah oo fiican soo bandhigaya, haddii aysan ahaan laheyn dhaawacisii soo gaaray, waxaa suurtogal noqon laheyd inuu dhaliyo goolal ka badan kuwa Salah.
Jota ayaa bedelay Andy Robertson qeybtii labaad, waxayna ku qaadatay kaliya daqiiqado inuu shabaqa soo taabto.
Kubadiisa madaxa aheyd waxaa celin waayay goolhaye Bernd Leno ka hor inta uusan dhalinin goolkiisa labaad oo uu guusha ku xaqiijiyay.
Jota ayaa haatan labo kulan oo isku xigta goolal Liverpool ka dib goolkii guusha ee uu seddex todobaad ka hor ka dhaliyay Wolves.
Ilko la’aan ayuu ahaa weerarka Reds xilli ciyaareedkan, waxaana la moodaa inay durbaba heleen xal.
2. Calaamadaha Soo Kabsashada
Waa xilli hore in si hubanti ah loo yiraahdo in Liverpool ay iska gadaal marisay dhibaatada ay ku jirto, laakiin kulankii xalay waxay u muuqdeen sidii looga bartay xilli ciyaareedkii hore.
Guulo isku xiga oo ay ka gaareen RB Leipziog iyo ka dib Wolves ayaa dib u soo dhistay kalsoonidooda.
Markii ay ka badiyeen West Ham iyo Tottenham waxaa la moodayay inay soo laabteen laakiin sidaasi ma aysan noqonin, balse Reds waxay u baahan tahay inay ku badiso gurigeeda si kalsoonidoo ay u noqoto boqolkiiba 100.
3. Arteta Oo Sabarkii Uu Ka Dhamaaday
Qaab ciyaareedkii Arsenal ee qeybtii hore ma aheyn mid la jecleystay iyadoo Liverpool ay koontaroolka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii koowaadba.
Gunners kaliya hal fursad ayay heshay 45tii daqiiqo ee ugu horeysay waxayna aheyd madax liita oo uu sameeyay Nicolas Pepe.
Laakiin Arteta waxaa ka carooday hami la’aanta iyo degdegsiimo la’aanta ay soo bandhigeen ciyaartoyda Gunners.
Liverpool raacasho ayay bilowday daqiiqadii koowaadba laakiin ma ahan wax cusub, balse Gunners ayaa jawaab u heli weysay.
Ciyaartoydooda waxay aheyd mid fashilantay iyagoo baasaska dhameystiri waayay halka Martin Odegaard uu ku guuldareystay inuu kubada ka dhex bixiyo daafacyada Reds.
4. Guul dhif iyo naadir ah
Reds ayaa badisay kaliya labo ka mid ah 20kii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Arsenal – sagaal barbaro ayay galeen halka sagaalka kale laga badiyay ka hor kulankii xalay.
Guul ay gaareen maalintii ugu horeysay xilli ciyaareedka 2016-17 iyo 2-0 oo ay ku badiyeen sannadkii 2011 ayaa aheyd guulahooda kaliya ee 20kii kulan ee ugu danbeysay ee Emirates.
Sidaasi darteed seddex dhibcood oo ay ku soo qaateen Waqooyiga London waxay aheyd mid soo dhaweyn leh haddiiba aysan aheyn lama filaan.
Waa guuldaradii ka soo gaartay Arsenal xilli ciyaareedkii la soo dhaafay midii gabagabeysay rajadooda inay barbareeyaan rikoodhka 100ka dhibcood ee Manchester City.
Sannadkii ka horeeyay barbarihii Emirates ayaa Liverpool ka dhigtay in dhibic looga qaado horyaalka.
Xilli ciyaareedkaanse Reds waxay safarkooda Emirates ku xusuusan doonaan inay awood ku maquuniyeen Arsenal.