Man City Oo Karbaashtay Leicester, Laba Ciyaaroodna Uga Hadhsan Yihiin
Manchester City ayaa 17 dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka Premier League, waxaanay markan guul kasoo gaadhay Leicester City oo ay ugu tagtay King Power Stadium, kuna soo garaacday 2-0.
- Advertisement -
Ciyaartan oo ay inteeda badan maamulanaysay Manchester City ayaa qaybta hore ay kusoo dhamaatay goolal la’aan inkasta oo ay fursado goolal noqon karayey heleen, laakiin qaybtii dambe ayay City guusha u xaqiijiyeen Benjamin Mendy iyo Gabriel Jesus oo dhaliyey laba gool oo rajo la’aan ka dhigay Leicester City.
Manchester City ayaa daqiiqaddii shanaad ee ciyaarta u dabbaal-degtay gool uu masaafo 25 yard ah ka toogtay Ferdinandinho oo uu shabaqa ku hubsaday, hase yeeshee Sergio Aguero ayaa lagu qaaday offside kaddib markii uu kubadda uga booday goolhaye Schmeichel oo uu markii hore u qariyey.
Leicester City ayaa iyagana daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore laga diiday gool uu dhaliyey, kaas oo uu goolhaye Ederson kubadda dhaafiyey, hase yeeshee waxa markiiba la taagay calanka oo muujiyey in offside uu ku jiray.
Benjamin Mendy ayaa daqiiqadii 58aad gool aanu muran ku jirin uu si xarrago leh u dhaliyey, waxaana mid kale ku daray Gabriel Jesus daqiiqaddii 74aad.
Manchester City ayaa yeelatay 74 dhibcood oo ay ka heshay 31 kulan oo ay ciyaartay, waxaanay 17 dhibcood ka horreysaa Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta, haysatana 58 dhibcood.
Shaxdii labada kooxood
MANCHESTER CITY (4-2-3-1): Ederson; Kyle Walker, Ruben Dias, Aymeric Laporte, Benjamin Mendy; Rodri, Fernandinho; Riyad Mahrez, Kevin De Bruyne, Gabriel Jesus; Sergio Aguero.
Kaydka: John Stones, Nathan Ake, Raheem Sterling, Ilkay Gundogan, Bernardo Silva, Ferran Torres, Joao Cancelo, Scott Carson, Phil Foden.
LEICESTER CITY (3-4-3): Kasper Schmeichel; Wesley Fofana, Jonny Evans, Daniel Amartey; Marc Albrighton, Wilfred Ndidi, Youri Tielemans, Timothy Castagne; Kelechi Iheanacho, Ayoze Perez, Jamie Vardy.
Kaydka: James Maddison, Danny Ward, Hamza Choudhury, Ricardo Pereira, Nampalys Mendy, Dennis Praet, Luke Thomas, Vontae Daley-Campbell, Thanawat Suengchitthawon.
Faahfaahinta ciyaarta
Daqiiqaddii 5aad: Manchester City ayaa laga diiday gool uu masaafo fog oo 25 yard ah kasoo toogtay Fernandinho, waxaana xiddigaha kooxdiisa oo ay wada-dabbaal-degayaan ay maqleen siidhiga garsooraha oo uu ugu sheegayay in uu offside ku jiray Sergio Aguero oo kubadda uga dul-booday goolhayaha, isagoo u qarinayay.
Kevin de Bruyne ayaa daqiiqaddii 23aad birta ka jaray laad xor ah oo uu kusoo toogtay goolka Leicester City, iyadoo marka horena uu birta dul mariyey kubadda qaladka lagu galay.
Daqiiqaddii 45aad: Leicester City ayaa laga diiday gool uu u dhaliyey weeraryahanka reer England ee Jamie Vardy oo offside galay ka hor intii aanay kubaddu soo gaadhin.
GOALLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! Benjamin Mendy ayaa gool qurux badan u dhaliyey Manchester City, kaddib markii uu xerada ganaaxa dhexdeeda ku maamulay kubbada oo uu goysmo degganaani ku jirto kusii qanciyey difaaca Leicester, isla markaana uu lugta midig kusoo xeegeeyey kubbada isagoo ka fogeeyey goolhaye Schmeichel.
Gabriel Jesus ayaa daqiiqaddii 74aad goolka labaad u dhaliyey Manchester City, isagoo isku tuuray kubbad uu goolka u hor-dhigay Raheem Sterling oo laga xidhay dariiqii uu kubadda u marin lahaa goolka.
Weeraryahanka reer Brazil ayay u ahayd goolkiisii shanaad ee uu dhaliyo lix ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo uu ka hor tegay Leicester City.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Manchester City oo kusii dhowaanaysa hanashada horyaalka Premier League.