RASMI: Xiddigii Ku Guuleystay Abaalmarinta Laacibkii Ugu Fiicnaa

Kelechi Iheanacho ayaa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii Maarso.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay shan gool bishii la soo dhaafay isagoo noqday xiddigii afaraad ee Nigeria u dhashay ee ku guuleysta abaalmarintaan ka dib Jay Jay Okocha, Peter Odemwingie iyo Odion Ighalo.

Iheanacho ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Leicester City ee ku guuleystay abaalmarinta tan iyo markii uu Jamie Vardy ku guuleystay bishii October 2019.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay, sharaf ayayna ii tahay inaan ku guuleystay abaalmarintaan” ayuu Iheanacho u sheegay shabakada kooxdiisa Leicester.

“Xaqiiqdii aad ayaan ugu riyaaqayaa inaan ciyaaro waqti xaadirkaan, waxaana rajeynayaa inaan hore u sii socdo oo aan kooxda ka caawiyo inay ku dhameysato meesha ugu sareysa ee ugu macquulsan.”

Iheanacho ayaa bisha Maarso ku bilowday inuu dhaliyay goolkiisii labaad ee xilli ciyaareedka Premier League isagoo shabaqa soo taabtay kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Burnley.

Seddex maalmood ka dib waxa uu dhaliyay goolka barbaraha iyadoo Leicester ay guul soo laabasho ah ka gaartay Brighton ka dib waxa uu dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay ee Premier League kulankii ay 5-0 ku xasuuqeen Sheffield United.

Iheanasho ayaa abaalmarinta ka qaaday todoba xiddig oo kala ah: Andreas Christensen, Harry Kane, Jesse Lingard, Riyad Mahrez, Illan Meslier, Luke Shaw and Leandro Trossard.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More