Cagjar: “Galmudug & Hir-Shabeelle waa inay ixtiraamaan heshiiska
Hogaamiyaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafe Muxumed Cagjar ayaa ka hadlay heshiisyada saddex geesoodka ah ee ay wada gaareen ismaamulkiisa, dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hir-shabeelle.
Cagjar wuxuu tilmaamay in qorshaha looga hortagayo Al-Shabaab, “qashinka TPLF” Colaada & Bulshada in la xadido saamiga labada dhinac ee dowlad goboleedyada Galmudug iyo dagaalada ruxaya.
“Dagaal kasta waa la maarayn karaa, laakiin looma dulqaadan doono inay ka faa’iideysato Al-Shabaab, TPLF wali waxaa jirtaa isku dhacyada qabaa’ilka. Dagaal kasta oo dhul laysku haysto ah waa in lagu xaliyaa si sharci ah oo aan loma dulqaadan karo rabshadaha.” Sidaasi waxaa yiri Mustafa Cagjar.
Isaga oo hadalka sii wata ayuu yidhi “Masuuliyad ayaa naga saran sugida amniga, inaan ilaalino Soomaalinimadeena, laakiin waxaa muhiim ah inaan diirada saarno amaanka xuduudaha oo ubaahan fiiro gaar ah, dadaalada Al-Shabaab ee ah inay fawoododa ku soo dhexdhuuntaan waa mid soo noqnoqaneysa..
Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa heshiisyo la kala saxiixday Dawlad degaanka Soomaalida, waxaana kala saxiixday Hogaamiye ku xigeenka Hir-shabeelle Yuusuf Dabageed iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi.