SHAXDA RIYADA: Serge Gnabry Oo Soo Xushay

Garabka weerar ee kooxda Bayern Munich iyo xulka Germany ahna xiddigii hore ee Arsenal ee Serge Gnabry ayaa soo doortay shaxda xiddigaha ugu fiican ee uu kasoo garab ciyaaray waayihiisa ciyaareed.

Gnabry ayaa ahaa mid si weyn ay Arsenal u qiimaynaysay markii uu ku biiray sanadkii 2011 balse kaddib afar sano oo uu tartamada oo dhan 18 jeer uga ciyaaray isaga oo waliba xilli ciyaareed amaah ugu maqnaa West Bromwich Albion ayuu ku biiray kooxda Werder Bremen.

Bayern ayaa hal sano kaddib lacag ka yar 7 Milyan oo pound kusoo qaadatay waxaana uu 25 sano jirkaasi ahaa mid si cajiib ah u celinayay saddexdii sano ee ugu dambeeyay abaalka ah in Bayern Munich ay aamintay.

Kaddib markii uu 23 gool ugu soo dhaliyay 46 kulan xilli ciyaareedkii hore, Gnabry ayaa kasoo caawiyay Munich saddexleyda koobabka ah kahor intii aysan qaadin dhammaan lixda koob ee ay u tartameen.

Haddaba, aan ku bilawnee xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Germany ayaa booska goolhayaha u doortay saaxiibkiisa xulka iyo kooxdaba ee Manuel Neuer oo 35 sano jir ah.

Daafaca midig ayuu siiyay Hector Bellerin oo ay Arsenal kusoo wada ciyaareen, sidoo kale kabtankiisii kooxdaas ee Kosceilny ayaa daafaca dhexe kusoo baxay isaga oo garab dhigay Niklas Sule oo Bayern ka tirsan halka uu daafaca bidix u doortay Alphonso Davies oo isaguna Bayern ah.

Khadka dhexe ayuu ka wada ciyaarsiiyay Joshua Kimmich iyo Santi Cazorla isaga oo ka horreysiiyay xiddiga ay Germany kasoo wada jeedaan ee Mesut Ozil.

Saddexleyda weerar ee shaxda Gnabry ayaa garbaheedu yihiin Leroy Sane iyo Kingsley Coman halka uu weeraryahanka dhexe ka dhigay Robert Lewandowski.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More