Fadhigii Baarlamaanka oo lagu kala dareeray. –

Fadhigii Baarlamaanka ee shakiga dhaliyay ayaa goordhow lagu kala dareeray, kaddib buuq iyo jahwareer hareeyay fadhiga maanta oo Ajandihiisa lagu sheegay ka doodista xanuunka Covid-19 ee wadanka.

- Advertisement -

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mucaaradka ah ayaa is hortaagay shirka inuu furmo, iyagoo ku eedeeyay Guddoonka inuu waday qorshe muddo kordhin ah.

Buuq iyo jahwareerka ka dhacay xarunta golaha shacabka ayaa keenay inuu shirku fashilmo, waxaana Xildhibaanada qaar ay ka hor yimaadeen in ay saxiixaan warqada kooramka Baarlamaanka ee Xildhibaanada soo xaadira.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannada qaar ay diidanaayeen shirkan oo shaki badan laga qabay inuu ku hoos qarsoonaa muddo kordhin.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in Xildhibaannada is hortaagga sameeyay in la soo qoro, si tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeer hoosaadka looga qaado.

Intaas kaddib Xildhibaannada ayaa ku kala dareeray, sidaas uu ku fashilmay fadhigii loo balansanaa ee shakiga badan laga qabay.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More