Biden oo shir looga hadlayo cimilada ku casuumay Xi
Hogaamiyaha Mareykanka ayaa ku casuumay Shiinaha iyo Ruushka in ay ka mid noqdaan 40 dowladood oo ka qeyb gala shir madaxeedka caalamiga ah ee looga hadlayo isbeddelka cimilada ee dhacaya bisha Abriil, sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden.
- Advertisement -
Hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping iyo Hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaasha adduunka ee lagu casuumay shir madaxeedka Abril 22-23 ayuu yiri Biden.
Shirka caalamiga ah ee looga hadlayo cimilada ayaa qayb ka ah dadaalka loogu jiro sare u qaadista isbedelka cimilada oo ah mudnaanta koowaad u leh wadama caalamka waxaa sanadkaan marti galinaya madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.
Biden ayaa u sheegay wariyeyaasha inuusan wali kala hadlin labada hogaamiye arimahan, “laakiin way ogyihiin in la casumay.” Isbedelka Cimilada ayaa ah hal aag oo saraakiisha maamulka Biden ay rumeysan yihiin in ay suurtagal tahay in ganacsi lala sameeyo Shiinaha iyo Ruushka, in kasta oo khilaafaadka qotada dheer oo dhanka ganacsiga ah uu ka dhexeeyo.
Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee kulanka Maalinta Dunida uu noqon doono in la xoojiyo dadaalka lagu doonayo in lagu ilaaliyo hadafka ah in la xaddido kululaynta meerayaasha illaa 1.5 darajo Celsius (2.7 darajo Fahrenheit) oo la gaari karo.
Biden wuxuu sheegay in uu la hadlay raiisel wasaaraha ingiriiska Boris Johnson, isagoo cadeeyay in mowduuca uu sidoo kale ahaa shirka cimilada. Cimilada ayaa sidoo kale ahayd mowduuc markii Biden uu la hadlay hoggaamiyeyaasha reer Yurub khamiistii shirkii ugu weynaa ee Golaha Yurub.
Biden wuxuu kaloo sheegay inuu u soo jeediyay raiisul wasaare Johnson in wadamada dimuqraadiga ah ay yeeshaan qorshe kaabayaal si ay ula tartamaan hindisaha Belt iyo Wadada Shiinaha.
Shir madaxeedka bisha Abriil wuxuu isu keenayaa 17 dal oo masuul ka ah 80 boqolkiiba qiiqa wasakhda adduunka iyo GDP-ga adduunka. Liiska martiqaadka ee 40ka dal waxaa ka mid ah Kanada iyo Mexico, xulafada Yurub iyo Aasiya, iyo sidoo kale Israel, Saudi Arabia, United Arab Emirates, Nigeria iyo South Africa.