Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee
Liverpool ayaa xiiseyneysa inay dib u la saxiixato weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka Uruguay Luis Suarez oo 34 sanno jir ah. (Fichajes)
Weeraryahankii hore ee Atletico Madrid Diego Costa oo 32 sanno jir ah ayaa u dheeli doona Benfica xilli ciyaareedka danbe ka dib markii uu heshiis la gaaray kooxda reer Portugal. (Mundo Deportivo)
Madaxweynihii hore ee Real Madrid Ramon Calderon ayaa shaki geliyay haddii ay kooxda dhaqaale u heysato inay la soo wareegto xagaagan weeraryahanka Tottenham Harry Kane. (talkSPORT)
Real Madrid ayaa dooneysa inay weeraryahanka reer Spain Brahim Diaz oo 21 sanno jir ah ka soo celiso amaahda uu ku joogo kooxda AC Milan (Calciomercato)
Si kastaba, ma xiiseynayaan inay soo ceshadaan weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo oo 36 sanno jir ah. (COPE)
Daafaca 24 sanno jirka kooxda Villarreal ee lagu magacaabo Pau Torres ayaa xiiseynaya inuu xagaagan u wareego Manchester United. (Manchester Evening News)
Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Gini Wijnaldum ayaa sheegay inuusan heynin war cusub oo la xiriira mustaqbalkiisa inkastoo 30 jirkaan uu heshiis hordhac ah la gaaray Barcelona. (Metro)
Arsenal iyo Chelsea ayaa xiiseynayay saxiixa daafaca reer Spain Eric Garcia laakiin 20 jirkaan ayaa ka doortay inuu ku laabto Barcelona marka uu dhaco qandaraaskiisa Manchester City xagaagan. (Daily Star)
Weeraryahankii hore ee Arsenal Ian Wright ayaa ugu baaqay kooxdiisa inay heshiis joogta ah ka saxiixdo xiddiga khadka dhexe ee Noway Martin Odegaard kaasoo amaah uga soo maqan Real Madrid xilli ciyaareedkan. (Metro)
Weeraryahanka Faransiiska Antoine Griezmann oo 30 sanno jir ah ayaa doonaya inuu sii joogo Barcelona oo uu dadka tuso inuu weli yahay xiddig weyn. (AS)
Barcelona ayaa dooneysa inay iibiso xiddiga khadka dhexe ee Brazil 28 sanno jirka Philippe Coutinho. (El Confidencial)
UEFA ayaa qorsheyneysa inay meesha ka saarto sharciga dhaqaale wanaaga ee FFP si kooxaha ay u heleen lacago dheeri ah oo ay ciyaartoy ku soo iibsadaan. (La Gazzette dello Sport)