KABTA DAHABKA – Tartanka Kabta Dahabka Yurub Oo
Weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski ayaa dhaliyay seddex gool kale kulankii ay Bayern Munich kaga badisay Stuttgart taasoo ka dhigeysa wadarta goolashiisa horyaalka Bundesliga 35 gool xilli ciyaareedkan.
Tiradaan ayaa ka dhigeysa in mid si raaxo leh u hogaaminayo gooldhalinta horyaalka Jarmalka halka uu sidoo kale 70 dhibcood ku hogaaminayo tartanka Kabta Dahabka Yurub ee Golden Shoe.
Waxaa ku daba dhegan xiddigaha heystay kubada cagta sannadihii la soo dhaafay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaasoo dhaliyay 12 gool in ka yar inta uu dhaliyay Lewandowski islamarkaana 24 dhibcood ayay ka hooseeyaan xiddiga Bayern Munich.
Waxay u muuqataa in sannadkan ay tahay markii ugu horeysay ee uu Lewandowski ku guuleysto kabta dahabka Yurub ka dib markii uu ku guuldareystay sannadkii hore iyadoo uu ka qaaday xiddiga Lazio Ciro Immobile.
Cristiano Ronaldo iyo Messi waxaa ka danbeeya xiddiga Borussia Dortmund Erling Haaland oo labo gool ka hooseeya labada halyeey halka xiddiga PSG Kylian Mbappe uu ku jiro kaalinta 7aad.
Kala sareynta waxaa lagu qiimeeyaa dhibco, iyadoo shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub (Premier League, Serie A, La Liga, Bundesliga, Ligue 1) gool kasta oo laga dhaliyo uu u qalmo labo dhibcood, halka horyaalada ka hooseeya uu goolkii u qalmo 1 dhibic iyo bar.
Kala Sareynta Kabta Dahab Yurub:
35 gool – Robert Lewandowksi (Bayern Munich) – 70 dhibcood
23 gool – Cristiano Ronaldo (Juventus) – 46 dhibcood
23 gool – Lionel Messi (Barcelona) – 46 dhibcood
21 gool – Erling Haaland (Borussia Dortmund) – 42 dhibcood
21 gool – Andre Silva (Eintracht Frankfurt) – 42 dhibcood
27 gool – Kasper Junker (FK Bodø/Glimt) – 40.5 dhibcood
20 gool – Kylian Mbappe (PSG) – 40 dhibcood
19 gool – Luis Suarez (Atletico Madrid) 38 dhibcood
19 gool – Romelu Lukaku (Inter Milan) 38 dhibcood
25 gool – Amahl Pellegrino (Kristiansund BK) 37.5 dhibcood