“Isagu Wuu Jecel Yahay Man United Laakiin Waxkasta
Mid kamida asxaabta dhaw-dhaw ee daafaca dhexe ee Manchester United ee Eric Bailly ayaa banaanka keenay dareenka saaxiibkii ee kooxdaas xilli uu tababare Ole Gunnar Solskjaer sii wado inuu iska indho tiro qaab ciyaareed kasta oo fiican oo uu soo bandhigo.
Bailly ayaa xilli ciyaareedkan kulamo uu maqnaa Victor Lindelof daafaca dhexe kula midoobay Harry Maguire waxaana ay badi kulamadaas Manchester ku baxday shabaq nadiif ah.
Isla marka uu soo laabto Victor ayuu tababare Solskjaer keydka ku celinayay Bailly waxaana ay ahayd talaabo ay ka cadhoodeen marar badan taageerayaasha kooxdaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in Bailly uu doonayo inuu iskaga tago Old Trafford sababtoo ah inaan lagu abaalmarinin waxa uu mudan yahay.
Haatan shaqsi saaxiib la ah Bailly oo ka hadlay Sky Sports ayaa sheegay in Bailly uu jecel yahay kooxda iyo taageerayaasheedaba balse uu aaminsan yahay in xushmad darro isaga lagu sameeyay oo waxkasta oo uu sameeyo uusan marnaba daafaca dookha koowaad u noqon doonin Solskjaer.
Saaxiibka Bailly ayaa yidhi “Eric wuu jecel yahay kooxda iyo jamaahiirtaba, qoyskiisu way sal dhigteen Manchester mana jiro wax uu ka jeclaan lahaa inuu waayihiisa ciyaareed ku dhammaysto Man United, laakiin waxa uu dareemayaa in kooxdu ay ahayd mid isaga aad xushmad darro ugu samaysay daacad ahaantiina in ku filan wuu soo qaatay”
“Waxa uu dareensan yahay in waxkasta oo uu sameeyo, inuusan marnaba dookha koowaad u noqon doonin Ole, haatan waxa uu yaqiinsaday inuu aad uga wanaagsan yahay aadna uga yar yahay inuu wakhtigiisa ku qaato inuu keydka fadhiyo”