Xiddig Man United Ah Oo Ka Carooday Ole Gunnar
Eric Bailly ayaa si aad ah uga carooday go’aankii uu Ole Gunnar Solskjaer uu isaga indhotiray isaga kulankii lugta labaad ee Europa League ee AC Milan, wuxuuna haatan ka fiirsanayaa mustaqbalkiisa Old Trafford sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.
Bailly ayaa ka garab ciyaarayay Harry Maguire lugtii hore ee Old Trafford oo ku dhamaatay barbaro 1-1 ah laakiin xiddiga reer Ivory Coast waxaa lagu bedelay Victor Lindelof lugtii labaad ee habeenkii Isniinta ka dhacday San Siro iyadoo United ay guul 1-0 ah ugu soo baxday wareega sideed dhamaadka.
Sida ay qortay jariirada The Sun, Bailly ayaa aad uga careysnaa go’aanka uu Solskjaer kursiga keydka ku dhigay kulankii ay u safreen Italy, iyadoo jahwareerka daafacaan uu soo taagnaa bilihii ugu danbeeyay.
Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in Bailly uu haatan ka laabtay go’aankiisii uu ku kordhin lahaa qandaraaskiisa kooxda sanand kale, iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo sannadka danbe.
“Eric sabarkii wuu ka dhamaatay” ayuu ilo ku dhow kooxda u sheegay The Sun.
“Ma ahan mid dareemaya in loo baahan yahay ama uu heysto ixtiraamka tababaraha.
“Eric ma aaminsana in wax jawaab ama sharaxaaad ah laga siiyay sida loola dhaqmay, wuxuu dareemayaa wadada ugu sahlan inay tahay inuu baxo.”
26 jirkaan ayaa ku soo bilowday kaliya todoba kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawac laakiin wuxuu ahaa mid si fiican u dheelayay marka uu taam yahay.