Miyuu Van De Beek go’aansaday inuu ka tago Man?
Tababaraha Ajax Ronald De Boer ayaa su’aal ka keenay in Donny Van De Beek uu doonayo inuu ka tago Manchester United ka dib markii uu xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay kula guuleystay kooxda fursad yarna u u leeyahay inuu ciyaaro.
23 jirkaan khadka dhexe ayaa kaliya u ciyaaray Manchester United labo kulan oo horyaalka ah tan iyo markii uu yimid Old Trafford heshiis 40-40 milyan ah xagaagii hore.
Sikastaba, De Boer, oo niyada u qabtay jamaahiirta Manchester United oo wali rajo ka qaba Van De Beek, ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah ee sheegaya inuu doonayo inuu baxo.
Ronaldo oo ay walaalo yihiin Frank De Boer iyo macalinka reer Holland ee Van De Beek ayaa sheegay in laacibku uu ku mashquulsan yahay sidii uu dib ugu soo laaban lahaa xaaladdiisa kadib dhaawicii ugu dambeeyay
Van De Beek ayaa ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho United xilli ciyaareedkan iyadoo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ka doorbiday qadka dhexe ee kale.
Natiijo ahaan, waxaa jiray hadal heyn badan oo warbaahinta ah oo ku saabsan inuu ka tagi karo Old Trafford ka dib sannad uu ku laabanayay Ajax.
Ronald De Boer ayaa u sheegay talkSPORT: “Waxaan la hadlay Ajax waxayna igu yiraahdeen wax run ah ma jiraan.”
“Ma uusan codsan inuu la hadlo iyaga, wuxuu kaliya diirada saaray ka soo kabashada canqowga, runtiina ma uusan weydiisan United inay baxaan”.
Wakiilkiisa ayaa ii sheegay in dabcan uusan ku faraxsanayn inuu ciyaaro, kaliya wuxuu ku soo bilaawday laba kulan Solskjær mana ahayn wixii uu filayay markii uu ku soo biiray United ”.