Maxkamad ku taal UK ayaa ku xukuntay 29 jir 12 sano oo xarig ah
Ibrahim Abdullahi, waa 29 jir soomaali ah, waxaa lagu helay dambi ah inuu Lanush Alija mindi feeraha ka geliyay laabta xilli ay ku dagaalamayeen wadada Hutton ee Sunderland, UK bishii Nofeembar 2019.
Ibrahim waxaa la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Newcastle, waxaana markhaatiyaal hortiisa ka marag furay.
Ibraahim ayaa qarka u saaran in loo masaafuriyo dalkiisa hooyo ee Soomaaliya amar maxkamadeed, rabshadda uu u geystay dhibanaha oo la sheegay in dhuunta iyo laabta looga dhuftay.
Qareenada u doodaya wiilkan soomaaliga ah ayaa sheegay in uusan u adeegsan tooreyda dagaalka, taas oo ka reebaysa inuu si ula kac ah u duro Alija, laakiin ay ka hor yimaadeen qareenada dhinaca kale.
Ibraahim C / llaahi wuxuu ku noqday qof caqli badan oo ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya, taasoo ku kaliftay inuu jebiyo mid ka mid ah sharciyada adag ee ku saabsan adeegsiga waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka mid yihiin mindiyaha.
Warbaahinta qaar ayaa qortay in Ibraahim uu dhamaysan doono kala bar xukunkiisa 12-ka sano ah hadii racfaanku guuleysto oo uu damacsan yahay inuu racfaan ka qaato go’aanka maxkamada, laakiin hadii uu ka aamusnaado wuxuu fulin doonaa xukunka.
Dhibaatada mindida, oo galaafatay nolosha dhalinyaro badan oo Soomaali ah, ayaa ku badan dalka Ingiriiska, booliiskuna waxay sheegeen in qofkii lagu qabto isagoo sidaas sameeya uu la kulmi doono ciqaab adag.
Xigasho: Sunderland echo / Future.