Al Shabaab oo Caleemo saartay Suldaanka Muddulood Ee
Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ayaa sheegay in uu Suldaan cusub ugu caana-shubtay Beesha Muddulood ee gobolada Jubbooyinka ee Koofurta Soomaaliya.
Munaasabadda Calleemasaarka Suldaanka oo kadhacday degmada Jilib ayaa Xarakadu ku sheegtay in Sheekh Cabdifitaax Xasan yahay Suldaanka Muddulood ee Jubbooyinka.
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Salaadiin, waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka tirsan beesha Mudulood oo ka kala yimid deegaanada ay ka degaan gobollada Soomaaliya, si gaar ah Mudug, Galgaduud, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha Hoose, Banaadir, Gedo iyo Jubbooyinka sida ay sheegtay Al Shabaab.
Sawirro laga qaaday dhacdada ayaa muujiyey Boorar lagu xardhay goobta oo lagu ammaanayo Suldaanka iyo kaqaybgalayaasha xafladda.
Munaasabadda caleema saarka ayaa lagu soo bandhigay Shiribka ay caanka ku yihiin Beesha, sidoo kale Suldaanka la caleema saaray ayaa watay Qoriga AK47.
Al Shabaab ayaa horaantii sanadkii 2019 ,u yeertay dhamaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed waxaana kulamo Al Shabaab iyo odayaasha u dhexeeyay ay ka dheceen qaybo ka mid ah goboladda dalka.
Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda qaarkood ayaa walaac ka muujiyay in Al Shabaab xubno ku yeeshaan baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya.