Ciidamada AMISOM oo Dad rayid ah ku toogtay Magaalada

Sawir hore Ciidamada Burunid ee howlgalka AMISOM

- Advertisement -

Ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku jooga howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qarax saakay loo dhigay Xaafadda Jamhuuriya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Askarta ayaa qaraxa kadib furtay rasaas dhowr xaafado kala duwan gaartay, waxaana dhintay in la xaqiijiyay 5-ruux, halka dhaawac uu gaaray 9-kale, dhammaantood waa shacab sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

Qaar kamid ah dadka dhaawaca soo gaaray waxaa lagu qaaday Gaadiidka Gurmadka degdega ah si loo gaarsiiyo Goobaha Caafimaadka, halka qaar kale lagu qaaday Gaadiid shaqsiyaad ay leeyihiin.

Ciidamada Burundi ayaa riday rasaasta qoryahaya loo yaqaan Dhashiikaha eek u xiran Gawaarida Gaashaamaan, Daba-jeexa & Aakaha oo dhawaqooda laga maqlay Degmooyinka ka fog goobta lagu qarxiyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa loo dhigay Ciidamada Burundi, goobta miinada loo dhigay Ciidamada AMISOM sidaan oo kale ayaa qarax loo geliyay 18-kii November 2020, waxa ay fureen rasaas sababtay dhimasho dhaawac dad rayid ah.

AMISOM ayaa mararka qaar ka aamusta kiisaska dhacdooyinka ah oo ay ku lug-yeeshaan Ciidamadooda, halka mararka qaar ay qirtaan khasaare ka yar dhibaatada ay geystaan Askartooda.

Axadle.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More