RW Rooble, Garoowe ma guul buu kala tagayaa mise Niyad jab?
Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa dhowr jeer ku guuldareystay in Hogaamiyaha & ku xigeenka DG Puntland uu ku qanciyo bilaa shuruud in ay soo gudbiyaan Guddiga ku metalaya Doorashada 20/21, balse hamigaas ayaa guul-dareystay kadib markii la hordhigay Shuruudo kala duwan.
Rooble ayaa Hoygooda ugu tagay Hogaamiyayaasha Isimada & Ururada Bulshada Rayidka si ugu yaraan uu garab uga helo si uu u gudbo gidaarka siyaasadeed ee ku horgudban si safarkiisa uusan u noqon mid guul-dareystay.
Saddex jeer oo ay is hor-fadhiisteen Siciid Deni & Axmed Karaash waxaa lagu kala kacay iyada oo aysan jirin natiijo muuqato oo laga gaaray wadahadalka xooggiisa ku qotoma soo gudbinta Guddiga maamulaya Doorashada qaybta DG Puntland.
Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in kulan lagu sagootin lahaa Wafdiga Raysul Wasaare Rooble uu ka baaqday, maadaama haddii la sagootiyo safarka uu soo afjarmayo iyada oo aan la gaarin hadafkiisa ama ugu yaraan fadhi kale lagu ballamin.
Axadle Media ayaa Fahamsan in Raysul Wasaare Rooble uu Garoowe sii joogayo ilaa inta natiijo uu ku faani karo ka gaarayo wadahadalka socda, maadaama uu ku tashanayo Xildhibaanno & Wasiiro DFS ku metala DG Puntland.
Marka la isbar-bardhigo safarka uu ku tagayo DG Galmudug iyo kan uu joogo Puntland way kala duwan yihiin, maadaama Hogaamiye Qoor-qoor uu soo gudbiyay Guddiga ku metalaya Doorashada, isla markaana aan khilaaf kala dhaxeyn DFS.
Haddaba, Ma Raysul Wasaare Rooble ayaa safarkiisa soo gaba-gabeyn doono isaga oo aan natiijo ka gaarin, mise dabac-siyaasadeed ayaa ku imaan kara qodobada la isku hayo?
Wadahadalada Garoowe ee u dhexeeya RW Rooble & MW Deni oo kudhammaaday Natiijo la’aan!
Deni oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirada XFS ee la socda RW Rooble.
Axadle.