RW Rooble oo Isimada & Bulshada Rayidka Puntland kala hadlay
Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygooda ugu tagay Islaam Ciise Islaam Maxamed & Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo hoggaanka dhaqanka deegaannada DG Puntland.
Waxa ay iska xog-wareysteen xaaladda dalka, kaalinta Odoyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin howlaha geedi socodka ee waqtiga kala guurka, dhismaha Dowladda & isu soo dhaweynta dhinacyada aragtida siyaasadeed ku kala fogaaday.
Raysul Wasaare Rooble ayaa madax dhaqameedyada uu la kulmay ka dhageystay talooyinka ku aaddan habka loo mari karo dhismaha Dowladnimada & sida loo wajahayo arrimaha muhiimka u ah Mustaqbalka Dalka.
Dhanka kale, Raysul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu fadhi la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland, dhankooda waxa uu u gudbiyay fariinta Xukuumadda ee Doorashada & kulamada Madax Goboleedyada uu bilaabay si loo dedejiyo Doorashada 20/21.
Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa fadhigii labaad oo ay la yeesheen Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo horay ku qaabilay Magaalada Muqdisho.
Waxa uu soo jeediyay in xal nabadeed laga gaaro guuxa siyaasadeed ee ka dhashay hab maamulka Doorashada 20/21 gaar ahaan Guddiga fulinaya oo la sheegay in lagu biiriyay xubno katirsan Nabadsugidda & Madaxtooyada.
Axadle.