Deni oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirada XFS ee la
Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirada la socda Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble si uu mid waliba ugala hadlo arrimo gaar ah.
- Advertisement -
Wasiirada uu qaabilay Deni waxaa kamid ah: Wasiirka Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda XFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) & Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XFS Maxamuud Xayir Ibraahim.
Wasiir waliba waxa uu kala hadlay arrimo kala duwan, waxaana kulamadaan lagu fasiray mid lagu dahaarayo natiijo la’aanta kasoo baxday fadhiga uu la qaatay Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble & Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda.
Xiriirka Wasaaradaha qaar ee Xukuumadda federaalka & DG Puntland ma wanaagsano, waxaana kamid ah Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta sare Xukuumadda Soomaaliya oo isku qabtay gelista imtixaan sanadeedka iyo hirgelinta Manhajka la diyaariyay.
Dhanka kale, maanta ayaa lagu waa in fadhi kale ay yeeshaan Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble & Hogaamiye Siciid Cabdullaahi Deni, kadib markii kulankoodii shalay ay ku kala kaceen, maadaama qodobo kala duwan oo miiska lasoo dhigay ay isku mari waayeen.
Rooble ayuu qorshuhu yahay in Wax kabadal uu ku sameeyo qodobada qaar sida ay fahamsan tahay Axadle, saacadihii lasoo dhaafay kulamo wadatashi ah ayuu la sameeyay Wasiirada raacay oo badan shaqsiyaad kasoo jeeda DG Puntland.
Axadle.