Wadahadalada Garoowe ee u dhexeeya RW Rooble & MW Deni oo

Laba fadhi oo kamid ah kulamada u dhexeeya RW Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha DG Puntland Siciid Deni ayaa ku dhammaaday Natiijo la’aan, sababta waxa ay xubno kamid ah Wafdiga labada dhinac ku sheegeen in ay tahay DG Puntland oo ka maagtay codsiga Ra’isalwasaare Rooble oo ah in Puntland si dhaqsi ah u magacowdo xubnahaha ku metelaya guddiga lagu muransan yahay ee  xukuumaddu u magacowday in uu maamulo doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada ee 2021.

Kulamada oo ay kawada qaybgaleen RW Rooble iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaalia oo dhinac ah iyo  madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhinaca kale ah ayaa Ra’isalwasaare Rooble waxa uu codsaday dhowr qodob oo ay kamid yihiin: Hagaajinta xiriirka iyo Wadashaqeynta Puntland iyo Dowladda Federalka iyo  magacaabista xubnaha guddiga kaladhiman ee doorashooyinka ku metelaya Puntland.

Dhinaca DG Puntland waxa ay codsadeen in Wadahadalka lagu koobo oo keli ah doorashooyinka iyo sida xal dhexdhexaad ah looga gaari karo in ay kaddib dhicin xilligooda, Waxa ay diideen in uu kulanka kaqaybgalo Wasiirka Waxbarshada xukuumadda Soomaaliya oo kamid ah Wafdiga Ra’isalwasaaraha iyaga oo ka fogaanayey in wadahadalka lagu daro muranka u dhexeeyey Wasaaradda Waxabarshada iyo DG Puntland.

Axadle Media ayaa fahamsan in Hogaamiye Deni oo doodda kusoo daray sida ay uga sun yihiin sida xukuumadda dhexe ula dhaqantay DG Jubbaland iyada oo Wadahadaladii Muqdisho ku dhexmaray doweled-goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo la Isla gartay in  doorashadu u dhacdo hab la isla ogol yahay.

RW Rooble oo Shirkii madasha Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamka ka sheegay in uu safar ku tegeyo dhammaan doweled-goboleedyada ayaa Wajahaya Wadahadalo adag oo xiriir la leh Arrinta doorashooyinka oo  xukuumaddiisa loo igmaday in ay kuqabato muddo xileedka kaharsan doorasho xasiloon oo la isla ogol yahay.

RW Rooble ayaa ilaa Isniinta sii joogi doona Garoowe iyada oo habeenka Isniinta loo dhigayo munaasabad soo dhoweyn ah oo loo sameynayo isaga iyo Wafidga la socda

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More