Gudoomiye Mursal:-Shaqadeena ayaan sii wadanaynaa inta laga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo Sabti ah xarunta golaha shacabka ka sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta laga helayo Baarlamaan bedela midka uu hada hogaamiyo isla markaana laga dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa hadalkaan ka sheegay kulan Golaha Shacabka Waqtigiisu sii dhamayo maanta ka doodaya arrimaha miisaaniyadda 2021.
Kulanka maanta ayaa Agendihiisu yahay aqrinta 1aad ee Miisaaniyadda 2021, aqrinta 2aad ee Hindisa Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya.
Kulanka Waxa Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mudsal Shekh Cabdiraxman.
Baarlamaanka Soomaaliya oo mudooyinkaan dambe aan kulmin ayaa maanta kulan aan la sii shaacin ku yeeshay xarunta golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Muddo Xileedka Xildhibaanadda golaha shacabka Soomaaliya ayaa ku eg 15 bari ka dib, inkastoo Gudoomiye Mursal ku adkaystay in ay sii wadanayaan shaqadooda inta laga soo xulayo baarlamaanka 11 aad ee dalka.