“Makiinadaha marka lacagaha lagu daabaco kadib ciid ayaa la
Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay dhibaatada laga dhaxlay diidmada Kunka shillin isbadalka Shillin Soomaaliga ayaa tilmaamay sababta ugu weyn ee marqura sare u qaadatay sarifka.
- Advertisement -
Deni ayaa sheegay in ay jiraan Makiinado lagu daabaco lacagta oo ilaa afar gaaraya, marka ay lacagta soosaarto dadka heysta in ay ciid geliyaan si ay u qariyaan culeyskeeda oo ay dhaqaale badan uga helaan sida uu hadalka u dhigay.
Hoggaamiyaha Puntland ayaa sheegay in dhibaatada la xakameyn karo marka wadajir ay u shaqeeyaan maamulka, Shacabka & Ganacsatada oo ah meelaha ugu badan ay isaga kala gudubto.
“Aniga qudheyda waxa aan kamid ahaa Ganacsatada waana ka warqabaa dhibaatooyinka jira, markii Dowladda ay damacday in ay doorka sarifkiisa ay la sinto suuqa kor ayaa loosii qaadaa, waana loo baahan yahay in la ogaado cidda kala sareysiineyso” Ayuu yiri Siciid Deni.
Hogaamiyaha DG Puntland ayaa sheegay in Ganacsatada aysan dhibaato ku qaban isbadalka lacagta, maadaama wax soo iibsashooda dibadda & badeecadaha ay sii iibinayaan ay ku bixiyaan doollar.
“Dhibka Sicir bararka & sarifka lacagta waa makiinadaha lacagta daabaca oo marka ay soosaarto ciid la geliyo si loo midab ekeysiiyo lacagtii hore oo aan looga dareemin cuseybkeeda, ilaa 4-Mashiin ayaa yaalla waana is ognahay” ayuu sii raaciyay Hogaamiyaha Puntland.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amray in Bangiyada & Xawaaladaha laga doonayo in ay sameystaan meelo lacagaha lagu sarifo si socod & dhaq-dhaqaaq Ganacsi yeelato, isaga oo tusaale usoo qaatay in xitaa Goobihiisa ganacsi haddii aan laga dhaqangelin uu xiro sida Deni uu sheegay.
Axadle.