Midtjyland vs Liverpool, Man City vs Marseille – Reds Iyo

Midtjland vs Liverpool

- Advertisement -

Tartankii wareega Group-yada ee Liverpool ee Champions League ayaa ah mid soo dhammaanaya caawa marka ay Group D wareegiisa 6-aad kahor tagayaan kooxda Midtjland oo ay ku booqanayaan garoonka Arena Herning.

Kooxda lixda jeer kusoo guuleysatay koobka ugu xiisaha badan Yurub ayaa ah mid xilli horeba xaqiiqsatay booskeeda wareega 16-ka ee CL halka Midtjland ay ku dhammaysan doonto booska ugu dambeeya waxkasta oo ka dhaca kulanka caawa.

Qaabkii caadiga ahaa ayaa usoo laabanaya Liverpool oo toddobaadkan kusoo laabatay wadada guulaha ee kulamada Premier League maadaama ay jamaahiirteedii caanka ahayd 2 kun oo kamid ah loo ogolaaday inay Anfield kusoo laabtaan.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

Jurgen Klopp ayaa sida uu shalay sheegay samayn doona isku shaandhayn baahsan waxaana la filayaa inuu nasin doono xiddigo ay kamid yihiin saddexleyda afka hore ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

Weeraryahan Diogo Jota oo keydka ku bilawday kulankii Wolves ee Sabtidii ayaa la filayaa inuu kusoo bilaaban doono ciyaarta Denmark ka dhacaysa caawa xilli uu 4 gool oo Champions League ah leeyahay.

Awooda Liverpool ee ahaa inay isku shaandhayn shaxeed samayso ayay wiiqayaan dhaawacyada ay qabaan maadaama ay ka maqan yihiin Alisson Becker, Virgil Van Dijk, Joe Gomez, Thiago Alcantara, James Milner, Xherdan Shaqiri iyo Alex Oxlade Chamberlain.

Chamberlain ayaa ku dhaw inuu kasoo laabto dhaawac jilibka ah isla markaana keydka soo fadhiisan kara, sidoo kale Alisson ayaan aad uga fogayn taam ahaanshaha balse lama halis galin doono waxaanay u badantahay in markale Kelleher uu kusoo bilaabanayo.

Dhinaca Midtjland kooxda ree Denmark ayaa saf dhammaystiran kusoo dhawaynaysa Reds waxaana kusoo bilaaban doona Pione Sisto oo xilli ciyaareedkan durba shan gool u dhaliyay kooxdaas.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

FC Midtjylland:Hansen; Cools, Sviatchenko, Scholz, Paulinho; Anderson, Sisto, Oneyka; Dreyer, Kaba, Mabil

Liverpool: Kelleher; Alexander-Arnold, R Williams, Koumetio, Tsimikas; Jones, Henderson, Keita; Jota, Minamino, Origi

XOGTA KULANKA

Garoonka: MCH Stadium

Wakhtiga: 8:55 xilliga geeska Africa

Tartanka: Champions League

Kulanka: Midtjland vs Liverpool

Man City vs Marseille

Kooxda tababare Pep Guardiola ee Manchester City ayaa soo dhawaynays dhigeeda Marseille kulanka ugu dambeeya ee wareega Group-yada iyadoo labada kooxood ay kala ujeedo duwan yihiin.

Guardiola ayaa kulankan kusoo shirtegi doona shax uu xiddigo muhiim ah ku nasinayo halka Marseille ay wali fursad u haysato inay Europe League usoo baxdo.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Werwerka dhaawac ee kaliya ee ay Man City qabto kulankan kahor ayaa ah Sergio Aguero kaas oo shaki ku jiro taam ahaanshihiisa balse kasoo kabtay dhaawacii, Pep ayaan halis gelin doonin 32 sano jirkaas maadaama kulan Manchester Derby ah ay ciyaarayaan toddobaadka dambe.

Kyle Walker oo ka maqnaa kulankii Fulham ayaa soo laaban kara markan, sidoo kale Bernardo Silva, Phil Foden, Eric Garcia iyo Fernandinho ayaa la filayaa inay dhammaantood kusoo bilaaban doonaan ciyaartan.

Xiddiga Marseille ee Nemanja Radonjic ayaa wali dhaawac bawdada ah kaga maqnaan doona Marseille, sidoo kale tababare Villas-Boas ayaa xaqiijiyay in Jordan Amavi uu wali maqnaanayo.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Manchester City : Steffen; Walker, Garcia, Ake, Zinchenko; Fernandinho, Gundogan; Silva, Foden, Sterling; Torres

Marseille: Mandanda; Sakai, Caleta-Car, Balerdi, Nagatomo; Kamara, Rongier, Cuisance; Thauvin, Benedetto, Payet

XOGTA KULANKA

Kulanka: Man City vs Marseille

Tartanka: Champions League

Garoonka: Etihad Stadium

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More