Wiilkii Xiriirka Jaceyl La Ahaa Neymar Hooyadiis Oo La

Wiilka xiriirka jaceyl la leh Neymar hooyadiis oo lagu magacaabo Tiago Ramos ayaa la sheegayaa in lagu tooreeyay maqaaxi ku taala goobta loo dalxiis tago ee Cancun ee dalka Mexico.

- Advertisement -

Lamaanahaan ayaa u duulay goobta ku haboon dalxiiska ee dalka Mexico todobaadkii hore ka dib markii Neymar hooyadiis oo lagu magacaabo Nadine Goncalves ay fursad labaad siisay 24 jirkaan Ramos oo ay ku soo baxday fadeexad aheyd inuu ku kacay qoomu luudnimo.

Laakiin 24 jirkaan ayaa muuqaal uu soo dhigay Instagram waxa uu muujinayaa dhiig badan oo ka baxaya qoortiis iyo xabadkiisa isagoo faahfaahin ka bixiyay weerarka lagu qaaday.

Ma cadda haddii 24 jirkaan uu xiriir la sameeyay boliiska dhacdada ka dhacday maqaaxida ama haddii uu cusbitaal galay.

Ramos ayaa afar sannadood ka yar xiddiga Paris Saint-Germain Neymar halka uu 28 sannadood ka yar yahay Neymar hooyadiis Nadine.

Wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday uu ahaa mid la sii qorsheeyay, isagoo yiri: “Waxaan ku dhawaaday inaan u dhinto wax aanan sameynin. Waxaan imid maqaaxida anigoo weydiistay saxan hilib ah.

“Ma garanayo waxa dhacay. Waxba ma aanan sameynin, laakiin iima aysan ogolaanin inaan sii joogo goobta.”

Xiddiga PSG Neymar ayaa dhowr jeer ku celceliyay inuu ku faraxsan yahay xiriirka hooyadiis iyo wiilkaan isaga ka yar isagoo ku sababeeyay inuu jecel yahay farxada hooyadiis.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More