“Waa Wax Laga Xumaado Inuu Juventus U Ciyaarayo” – Ronald
Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa qarsan waayay sida uu uga xun yahay inuu kooxda ay habeen dambe balansan yihiin ee Juventus ka tirsan yahay da’yarka daafaca ah ee ay soo wada shaqeeyeen ee Matthijs De Ligt.
- Advertisement -
Barcelona ayaa kulankii hore oo u ahaa mid La Liga ah guuldarro kala soo kulantay kooxda yar ee Cadiz waxaana ay markale habeen dambe kulanka ugu dambeeya heerka Group-yada qaabili doonaan Juventus.
Koeman oo shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya ciyaartaas qabtay ayaa ugu horreynba ka farxiyay jamaahiirta dunida kubadda cagta isaga oo balan-qaaday inuu kulankan ciyaarsiin doono Lionel Messi.
Dad badan ayaa ka cabsi qabay inaysan heli doonin fursada Messi iyo Ronaldo ay iskaga hor imanayaan markale iyagoo ka baqayayay in Koeman uu nasiimo u diri doono Messi maadaama ay horeba ugu soo baxeen wareega 16-ka.
Dhinaca kale Koeman oo sheegaya sida uu uga xun yahay in Matthijs dhinaca Juve kasoo jeedo ayaa sheegay inuu dareenkaasi qabo xataa haddii heshiiskiisa Juventus dhacay kahor intii aan isaga tababaraha Barcelona laga dhigin.
Ronald ayaa yidhi “Anigu si wanaagsan ayaan u garanayaa isaga, isagu waxa uu leeyahay khibrad xataa haddii uu yar yahay, waxa uu noqon karaa midka ugu wanaagsan dunida, isagu sidoo kale waa qof wanaagsan”
“Waxa uu doonayaa inuu horumaro maalin kasta, waa wax laga xumaado inuu Juventus u ciyaarayo ee aanu Barcelona u ciyaarayn xataa haddii ay wax dhaceen kahor intii aan anigu halkan imid”