Axmed Madoobe oo dalbaday in Gedo laga saaro “Jabhadaha
Axmed Maxamed Islaam Madoobe Hogaamiyaha Jubbaland oo maanta ka qayb galayay shirka Soomaaliya iyo beesha Caalamka.
Hogaamiyaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo codsaday in dowladda kusoo wareejiso gobolka Gedo ayaa Raysul Wasaare Rooble dalbaday in uu joojiyo waxa uu ugu yeeray u ololeynta soo laabashadda madaxweynaha mudo xileedkiisu sii dhamaanayo ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh in ay ka qabato, hala qeexo Jubbaland meesha wax ku qabaneyso, haddii kale qoraal soo saarna waanu la wareegnay dhaha Gedo, idinkoo sababeynaya” ayuu ka sheegay shirka bahwadaagta Soomaaliya.
Axmed Madoobe hadalo kulal ka jeediyay shirka ayaa hadalkiisa raaciyay ” Hogaamiyayaasha dowladu waa in ay faraha kala baxaan processka(habka ay u soco) doorashada oo ay kala saaraan campain-kooda (Ololohooda) iyo process-ka doorashada ku dhacayso” .
Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ciidamo u abaabulan qaab jabhadeed ku abuurtay gobolka Gedo isla markaana ay meesha ka baxay nidaamkii maamulkaasi oo uu sheegay in Al Shabaab loo fududeeyay in ay waxka maamulaan deegaanadda Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Maxamed Xuseen Rooble wasiirka 1 aad ee Xukumadda Soomaaliya oo hadalka qaybinayay ayaa ka jawaabay hadalkii Axmed Madoobe ee ahaa in Dowladda Soomaaliya ay Jabhado ka abuurtay gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.
” Waxaan ka cudur daaranayaa in ciidamado Soomaaliyeed uu jabhad ku tilmaamo” ayuu Yiri Mr Rooble ka dib hadalka hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Jubbaland oo Villa Soomaaliya u aqoonsantahay maamul ku meelgaar ah.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka dhexeeya khilaaf xooggan oo qaatay in ka badan 3 sanad, waxa uuna sii xoogaystay markii Xukumadda Soomaaliya ay bartamihii 2019 diiday waxa ay ugu yeertay isdoorashadii Madaxweyanaha Jubbaland ee ka dhacday Kismaaayo.