Halyeey Paul Scholes Oo Ku Dhiiraday Inuu Saadaaliyo Kooxda

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa aragtidiisa ka dhiibtay kooxda ku guuleysan doonta xilli ciyaareedkan 2020-21 horyaalka Premier League xilli ay jiraan kooxo dhawr ah oo ugu cad cad hanashadiisa.

Haddiiba uu jiro xilli ciyaareed aan horyaalka la saadaalin karin dabcan waa midkan oo ay kooxuhu durtaba dhibaatooyin badan kasoo mareen jadwalka adag kaas oo sababay dhaawacyo iyo joogtayn la’aan.

Sidaas oo ay tahay haddana Paul oo saadaashiisa dhiibtay ayaa sheegay inuu filanayo in kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool ay markale horyaalka hanan doonto.

Liverpool ayaa xalay guul 4-0 ah ka gaadhay Wolves oo marti ugu ahayd Anfield, Mohamed Salah, Joel Matip iyo Gini Wijnaldum ayaa shabaqa kasoo taabtay Rui Patricio kahor inta uusan Nelson Semedo gool si qaldan iskaga dhalin.

Liverpool ayaa imika figta ugu sarreysa horyaalka la joogta Tottenham oo ay kaliya kaga dambeeyaan farqiga goolasha.

Xaqiiqada ah inay ka maqan yihiin xiddigo badan oo safka koowaad ahi ayaa shaqada ay ilaa haatan qabteen Jurgen iyo safkiisu ka dhigaysa wax khaas ah.

Haddaba, Scholes oo kaddib kulankii xalay ka hadlayay Georginio Wijnaldum ayaa hadalkiisa ku dhex daray sida uu u filanayo in Liverpool ay markale kor u qaadi doonto horyaalka.

“Haddii uu isagu (Wijnaldum) doonayo inuu tago, anigu ma garanayo, laakiin maxay tahay sababta aad u doonayso inaay ka tagto koox kubadda cagta ah oo sidan ah? waxaan filayaa inay markale ku guuleysan doonaan horyaalka, waana koox ay xiiso leedahay in loo ciyaaraa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More