Jose Mourinho Oo Xiddig Ku Fashilmay Gunners Ku Tilmaamay

Jose Mourinho auaa uga digay ciyaartoydiisa Tottenham Willian oo uu ku tilmaamay xiddiga ugu halista badan Arsenal inkastoo xiddiga reer Brazil uu ku fashilmay Gunners tan iyo markii uu yimid xagaagan.

- Advertisement -

Kooxda Mikel Arteta ayaa u safreysa Spurs berri oo Axad ah kulankii ugu horeeyay ee North London Derby ee xilli ciyaareedkan.

Mourinho ayaa tababare u ahaa Willian waqtigii ay isla joogeen Chelsea, waxaana la sheegayay inuu doonayay inuu xiddiga reer Brazil geeyo Tottenham xagaagii.

Laakiin Gunners ayaa ku guuleysatay saxiixa 32 jirkaan kaasoo si xor ah uga soo tagay Chelsea.

Inkastoo Willian uu kulankiisii ugu horeysay ee Gunners wacdarro dhigay hadana 12kii kulan ee ku xigay ma uusan muuqanin isagoo soo bandhigayay qaab ciyaareed aad u liita.

Laakiin Mourinho ayaa aaminsan in xiddiga reer Brazil uu weli ka mid yahay xiddigaha ugu fiican Premier League isagoo qirtay in Spurs ay saxiixiisa ku seegtay kaliya sababo dhaqaale.

“Lacag uma aanan heysan Willian” ayuu yiri Mourinho.

“Ma bixin karno mushaharka uu ka helayo Arsenal sidaasi darteed ma aanan dooneynin inaan waqtigeena ku dhumino sababtoo ah ma bixin karno mushaharkaas.

“Weli waa xiddig halis ah, waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Premier League.

“Marka taas laga soo tago, waa saaxiib fiican. Ma jiraan wax aan ka qarinayo oo taas la xiriirta.

“Waan wada xiriirnaa weli, waan is wacnaa. Wanaag ayaan isku rajeynaa. Waa saaxiibkeey, dabcana waa ciyaaryahan aad u fiican.”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More