“Xasaanad ka qaadista nalagu sameeyay waa Shirqool uu dhigay

Cabdijamaal Cismaan Maxamed waxa uu kamid ahaa 8-Xildhibaan oo katirsan Golaha Wakiilada DG Puntland oo Xasaanadda laga qaaday 3-da December 2020 kadib markii lagu eedeeyay arrimo dhowr ah sida is hor istaag shaqo.

- Advertisement -

Wixii ka dambeeyay go’aaankaas waxaa laamaha ammaanka DG Puntland la amray in ay xiraan ama meel isugu geeyaan 8-da Xildhibaan ee waayay Xasaanaddooda si loo baaro dacwadda lagu soo oogay.

Cabdijamaal oo Warbaahinta la hadlay ayaa iska fogeeyay eedeynta loo cuksaday Xasaanad ka qaadista Xildhibaannimo, balse taa badalkeed waxa uu sheegay in go’aankaas uu ahaa Shirqool uu ka dambeeyo Hogaamiye Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu ka digay in si fudud loo dumiyo sharciga oo marar kala duwan uu baalmaray Hogaamiyaha DG Puntland, sidoo kale waxa digniin kasoo saaray in la iska hor keeno beelaha wax ku qaybsaday maamulkaas.

“Siciid Cabdullaahi Deni & Saaxiibadiis waxa aan leeyahay war dadka ha isku dirina oo dalabka aad u direysaan Beelaha ee ah in ay soo doortaan Xildhibaanno jooga Booskooda raggii badali lahaa, horay ayaad u jebisay Sharciga, waxa aad ku tumatay Baarlamaanka, balse ha iska hor keenin Beelaha kuraasta leh” Sidaasi waxaa yiri Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa sheegay in la shaqeynta DG Puntland in uu ku howlan yahay tan 2010-kii, muddadaas ayuu tilmaamay in uu kasoo qabtay Xilal kala duwan sida Wasiirka Amniga, La taliyaha Amniga Hogaamiyaha & Xilal kale.

Ugu dambeyn waxa uu ka digay in awoodda Maamulka in lagu fushado danaha gaarka ah, isaga oo soo jeediyay in haddii la heli karo cid qabata Hogaamiye Siciid Cabdullaahi Deni in ay ka leexiso dhabbaha aan wanaagsaneen ee uu ku socdo sida uu hadalka u dhigay.

Siciid Cabdullaahi Deni oo ay is qabteen Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Xildhibaan Cabdixakiin Dhooba-daareed ayaa ka guuleystay kadib markii mooshin uu abaabulay ay meelmariyeen Xildhibaannada 7-dii November 2019.

Axadle.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More