Kooxda Ay Liverpool Ku Beegmi Karto Wareegga 16ka Tartanka

Liverpool ayaa xalay u gudubtay wareega 16ka tartanka Champions League kaddib markii ay ka guuleysatay Ajax, waxaana libintan ay uga mahad celinayaan Curtis Jones oo u dhaliyey goolkaas saddexda dhibcood siiyey.

Tababare Jurgen Klopp iyo wiilashiisu waxay hadda sugayaan inay helaan kooxdii ay ku beegmi lahaayeen wareegga 16ka, iyagoo rajaynaya inay helaan mid ka mid ah kooxaha kaalmaha labaad kaga soo baxa hormooyinkooda.

Sharciga ayaa u diidaya inay isku beegmi karaan laba kooxood oo isku waddan ah, sidoo kalena waxaanay ku dhici doonin naadi kusoo baxay kaalinta koowaad.

Illaa hadda siddeed kooxood ayaa soo gudbay, waxaana la sugayaa siddeed kale oo aan la garanayn kuwa ay noqon doonaan maadaama ay group-yadoodu yihiin kuwo aan dhibco badan la kala horreynin oo ilaa kulanka ugu dambeeya la isku dhegsanaan doono.

Reds waxay haddaba sii ogtahay in saddex ka mid ah siddeed kooxood ee soo gudbay oo ah Manchester United, Manchester iyo Chelsea ay marka koowaad yihiin Ingiriis oo aanay wareegga 16ka isku dhicin. Laakiin wareegga siddeed dhamaadka ayaanay jirin wax kala ilaalinaya.

Kooxaha suurtogalka ah ee ay isku dhici karaan waxa ka mid ah Atletico Madrid oo xili ciyaareedkii hore wareegga 16ka ku reebtay, haddana kaalinta labaad kaga soo bixi karaysa Group A oo mar horeba ay Bayern Munich kasoo gudubtay. Waxa kale oo suurtogal ah RB Salzaburg ama Lokomotiv Moscow oo wali suurtogal ay tahay inay soo baxaan.

Group B, ayaa ah mid isku badhxan oo xataa iyadoo kulamadii shanaad la ciyaaray ay dhamaan afarta kooxood ee ku wada jira fursad u haystaan inay wareegga xiga tagaan. Borussia Monchengladbach, Shakhtar Donetsk iyo Inter Milan ayaa dhamaantood ay Liverpool ku beegmi kartaa haddii nasiibku isku rido kooxda kaalinta labaad kaga soo baxda.

FC Porto oo Group C labaad kaga jirta iyo Sevilla oo Chelsea ku xigta Group E ayaa iyaguna ah kuwa suurtogalka ah ee ay la ciyaari karto.

Borussia Dortmund, Lazio iyo Club Bruge ayaa iyaguna aanay kala caddayn midkooda Group F kaga soo bixi doona kaalinta koowaad iyo midka labaad toona, waxaanay saddexdoodaba dhici karta in midkood ay ku dhacdo Liverpool.

Barcelona iyo Juventus oo iyaguna Group G ku wada jira ayaa midkooda labaad ku baxda aanay meesha ka maqnaan doonin.

PSG iyo RB Leipzig oo Manchester United kula jira Group H ayaa iyaguna suurtogal ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More