Liverpool vs Ajax – SIDDEED Xiddig Oo Dhaawac Ka Ah
Laba dhibcood oo kaliya ayaa u dhexeeya labada kooxood ee ugu sarreeya Group-ka D ee tartanka Champions League, laakiin caawa ayay midkood si toos ah iskaga xaadirin doontaa marka garoonka Anfield ku kulmaan Liverpool iyo Ajax.
- Advertisement -
Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu u gudbi karaysay wareegga 16ka haddii ay guuleysan lahayd ciyaartii Atalanta ay sida xun u dhax jiid-jiiday Anfield, laakiin guul-darradaasi waxay fursad siisay Ajax oo laba dhibcood oo kaliya usoo jirsatay, isla markaana kula dagaallamaysa inay iyaduna markeeda khasaare u geysato Reds.
Liverpool oo Sabtidiina barbarro 1-1 ah la gashay Brighton ayaa rajaynaysa inay kusoo laabato jidka guusha isla markaana meel iska dhigto Ajax, iyadoo ay usoo laabteen qaar ka mid ah xiddigihii dhaawaca kaa maqnaa.
VAR ayaa dhibaato ay ka tirsatay Liverpool maadaama ay ka diidday laba goo loo ay dhalisay, sidoo kalena ay waqtigii dhimashada rikoodhe siisay Brighton, taas oo keentay in Jurgen Klopp uu cadho furka tuuro.
Waxa qalbi-jabka Liverpool sii dheereeyey in afartii ciyaaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada ay hal guul oo kaliya ka haystaan, isla markaana laba barbarro ah iyo guul-darro ay ugu jireen.
Saddexdii ciyaarood ee hore ee Champions League ayay durduro kusoo badiyeen, waxaase rikoodhkooda dhexda u istaagtay Atalanta oo ku qasabtay in aanay u dabbaal-degin inay iska xaadiriyeen wareegga 16ka.
Si kasta oo ay Liverpool garoomada ugu dhibaatoonayso, waxay daliil ka dhiganaysaa dhaawacyada tirade badan ee khadka difaaca iyo dhexda ee sababta u noqday in Jurgen Klopp uu ciyaartooyo aan tayo badan lahayn kusoo ururiyey khadka difaaca.
Kulankii hore ee Liverpool iyo Ajax ee ka dhacay magaalada Amsterdam waxa guul cidhiidhi oo 1-0 ah soo gaadhay Liverpool, iyadoo uu waliba goolkaasi ahaa mid si nasiib-darro ah uu iskaga dhaliyey difaaca Nicolas Tagliafico.
Kooxda martida ah ee Ajax ayaa rikoodh wanaagsan kasoo samaynaysay tartanka Champions League, waxaana aan dhinacooda dhulka la dhigin oo aanay guul-darro arag dhamaan 11kii ciyaarood ee tartankan ee ay kusoo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, taas oo ay u dagaallami doonaan inay sii wataan marka ay caawa Liverpool martida ugu noqdaan Anfield.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Liverpool vs Ajax
Tartanka: Champions League
Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Anfield
Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood
Liverpool ayaa dib u heshay kabtankeeda Jordan Henderson oo kasoo laabtay dhaawac isla markaana kaydka kusoo bilowday ciyaartii Brighton, qaybtii dambena beddel kusoo galay.
Laakiin James Milner oo dhaawac muruqa ah uu soo gaadhay ayaan taam ahayn, waxaana uu ka mid yahay siddeed ciyaartoy oo Liveprool ka maqan caawa.
Thiago Alcantara iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa waxa liiska maqaneyaasha kula jira Naby Keita, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Xherdan Shaqiri iyo Trent Alexander-Arnold oo lagu daray James Milner.
Jurgen Klopp ayaa ciyaartan kusoo bilaabi doona Sadio Mane oo uu nasiyey, waqti dambena keenay ciyaartii Sabtidii, sidoo kalena Joel Matip oo gebi ahaanba maqane ahaa ciyaartaas ayaa isaguna khadka difaaca kala soo muuqan doona Fabinho haddii aanu tababaruhu go’aansanin inuu nasisto laacibka reer Brazil oo aanu Rhys Williams keenin difaaca dhexe.
Neco Williams, Curtis Jones, Kostas Tsimikas iyo Divock Origi ayaa dhamaantood ka sugaya Klopp inuu fursad siiyo ciyaartan, waxaanay u badan tahay in Williams uu difaaca midig qabto maadaama ay dhaawacan yihiin Milner iyo Alexander-Arnold.
Dhinaca Ajax, waxa dhaawac kaga maqan difaaca khabiirka ah ee Daley Blind oo qaab ciyaareedka Liverpool na bartay waqtigii uu joogay Manchester United. Sidoo kale, Mohammed Kudus oo muddo dheer maqnaa ayaan taam ahayn, halka Antony uu kusoo laabtay kaddib dhaawac muruqa ahaa oo uu ciyaartii hore ee Liverpool soo gaadhay.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood
Liverpool: Alisson; N Williams, R Williams, Matip, Tsimikas; Jones, Henderson, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane
Ajax: Onana; Mazraoui, Schuurs, Martinez, Tagliafico; Labyad, Klaassen, Gravenberch; Neres, Traore, Tadic