Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab oo Dhaqdhaqaaq Ciidan kawada

Deegaanno u dhaxeeya Camaara & Bacaadweyn ee Gobolka Mudug waxaa dhaqdhaqaaq Ciidan kawada Ciidamada Dowladda Federaalka & Al-Shabaab oo dhowr jeer ku dagaalamay tan iyo shalay.

Saraakiisha Ciidamada qaybta 21-aad ee Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen xubno katirsan Al-Shabaab oo ay soo bandhigeen Maydadkooda, halka ay ka qaateen hubkii ay wateen, Shabaab sheegatay in ay dishay 53-Askar, isla markaana ay gacan ku dhigtay Gaadiid dagaal.

Mararka qaar waxaa adag Isgaarsiinta Deegaannada ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya & Al-Shabaab ee dhaca Gobolka Mudug, labada dhinac ayaa kala helaya gurmadyo kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda waxaa gaaray Dhimasho & Dhaawac, halka qoysaska qaar ay ka barakaceen hoygooda si ay naftooda ula baxsadaan, maadaama dhinacyada dagaalamay ay wali is hor fadhiyaan.

Saraakiil katirsan DG Galmudug ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu kasii socon doono Gobollada Mudug & Galmudug oo Degmooyin kala duwan gacanta maamulkaas ka maqan.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More