Xiddigaha Muhiimka Ah Ee Paris Saint-Germain Ka Maqnaanaya

Paris Saint-Germain waxaa ka maqnaan doona Pablo Sarabia iyo Mauro Icardi kulanka Champions League ee ay habeenka Arbacada la ciyaarayaan kooxda Manchester United.

- Advertisement -

PSG ayaa xaqiijisay inuu ka maqnaan doona kubadsameeyaha khadka dhexe ee reer Spain Pablo Sarabia iyo weeraryahanka reer Argentina Mauro Icardi kulanka muhiimka ah ee wareega group-yada Champions League ee ay habeenka Arbacada booqanayaan Man United.

Icardi ayaa xanuun ka dareemaya lugta midig halka Sarabia la sheegay inuu la ildaran yahay dhaawac muruqa ah.

Julian Draxler ayaa isna taam ahaanshihiisa shaki la gelinayaa iyadoo baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono ka hor inta aan go’aan laga gaari inuu ciyaari karo kulanka Old Trafford.

Marka laga soo tago labada xiddig ee Sarabia iyo Icardi, tababare Tuchel wuxuu heystaa ciyaartooy taam ah isagoo doonaya inuu ka aarguto Man United oo guul ka gaartay kulankii Paris bishii la soo dhaafay.

Man United ayaa iyagana dhankooda ay dhibaato dhaawac heysataa iyadoo xiddigo dhowr ah la filayo inay seegaan kulankaan.

Donny van de Beek oo ku soo bilowday kulamadii Champions League ee ugu danbeeyay ayaa shaki uu ku jiraa madaama uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray kulankii shalay.

Paul Pogba iyo Anthony Martial ayaa iyagana dhaawac iyo xumad ku kala maqan, David de Gea lama filayo inuu taam u noqdo kulanka Old Trafford ka dib dhaawacii soo gaaray shalay si la mid ah Alex Telles halka Luke Shaw uu dhaawac ku maqan yahay isagana.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More