Deni oo amar ku bixiyay laga bilaabo 1-da Deseembar 2020 in
Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya sicir bararka, isbadalka sarifka doollarka iyo cabashada Ganacsatada ayaa kulmay guddiga loo xilsaaray wax ka qabashada arrintaas.
Deni ayaa soosaaray amar ah in laga bilaabo 1-da Deseembar 2020 oo ku beegan Berri oo Talaado ah canshuurta gaar ahaan Dekedda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari loo badalo Doollar, halkii Shillin Soomaali lagu qaadi jiray.
Sababta waxa uu Hogaamiye Deni ku sheegay in Guddiga uu la kulmay ay u arkeen in ay xal u tahay sicir bararka, diidmada Kunka Shillin Soomaaliga & xakameynta isbadalka Maciishadda si aysan halis u gelin nolosha.
Warqadda kasoo baxay Madaxtooyada DG Puntland ayaa la gaarsiiyay Wasaaradda Maaliyadda, Maamulka Dekedda Boosaaso & saraakiisha Kastamka Canshuuraha si ay u dhaqangeliyaan isla maalinta berri oo ah bilawga waqtiga la dhaqangelinayo amarka Hogaamiyaha.
Qoraalka Madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa:
Hogaamiyaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi oo tixraacaya talo-bixinta Guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-bararka ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta Dowladda lagu qaadikarin lacagta shillin Soomaaliga.
Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Og: Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda Puntland
Og: Hanti Dhowrka Guud Ee Dowladda Puntland
Og: Bangiga Dowladda Puntland
Ujeeddo: Joojin Qabashada Shillin Soomaaliga ee cashuurta Kastamka Dekedda Boosaaso.
Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga.
Fulin wacan
Siciid Cabdullaahi DeniMadaxweynaha Dowladda Puntland.
Axadle