Waa Kuma Xiddiga Man United Ee Uu Ole Gunnar Solskjaer La
Ole Gunnar Solskjaer ayaa aaminsan in saameynta uu Bruno Fernandes ku leeyahay kooxda Manchester United inay la mid tahay tii uu Cristiano Ronaldo ku lahaa kooxda waqtigiisii Old Trafford.
Labo gool uu dhaliyay Feranndes kulankii Champions League ee habeenkii Talaadada ayaa la micno ah in xiddigaha reer Portugal uu sameeyay 34 goolal iyo caawin isagu jira tan iyo markii heshiis 68 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Sporting Lisbon bishii Janaayo ee sannadkan.
Ma jiro ciyaaryahan sameeyay goolal iyo caawin intaas la eg mudadii uu Fernandes joogay Premier League.
Xiddigii hore ee Sporting ayaa sidoo kale soo bandhigay awoodiisa hogaamineed habeenkii Talaadada isagoo fursad uu ku dhameystiri karay seddexleydiisa u daayay Marcus Rashford oo rigoore dhaliyay.
Markii la weydiiyay haddii Fernandes uu leeyahay saameyn la eg tii Cristiano Ronaldo, Solskjaer ayaa ku jawaabay:
“Haa, xaqiiqdii wuu leeyahay saameyn la eg, joogitaankiisa kooxda iyo saameynta uu ku leeyahay xiddigaha kale ee kooxda waa mid weyn.
“Kaliya eeg natiijooyinka tan iyo markii uu yimid. Wuxuu leeyahay tamar, hogaamiyenimo, waa xiddig kooxeed, fure ayuuna u yahay inuu hore u dhaqaaqno.
“Ciyaaryahanadda qaar waa qasab inay kulamada qaar fariistaan. Laakiin marnaba ma dooneynin inaan u sheego Bruno inuu nasanayo kulanka Leipzig si la mid ah Marcus laakiin waa wax fiican.
“Dhaqanka kooxda ma ahan mid shaqsiyadeed, Bruno taas wuu cadeeyay wax badan.”