Chelsea Oo Ka Mid Ah Afar Kooxood Oo Saxiixa Lionel Messi

Chelsea ayaa lagu waramayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa kabtanka Barcelona Lionel Messi iyadoo markii hore ay ku cadcadeyd Manchester City.

Xiddiga reer Argentina oo 33 sanno jir ah ayaa la filayaa inuu isaga tago Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu qandaraaskiisa dhamaado.

Messi ayaa isku dayay inuu ka tago Barca xagaagii la soo dhaafay ka hor inta uusan ka laabanin go’aankiisa si uu u sharfo sannadka uga haray qandaraaskiisa.

Laakiin kabtanka Barcelona ayaa u muuqda mid aan weli ku qanacsaneyn kooxda xilli ciyaareedkan, iyadoo taasi ay sii dheer tahay in Barca ay dooneyso inay kala bar jarto mushaharkiisa taasoo keeneysa inuu mustaqbalkiisa meel kale ka raadsado.

Sida uu sheegay Khabiirka kubada cagta Spain Guillem Balague, Chelsea ayaa ka mid ah koxoaha ceyrsanaya saxiixa Messi.

Isagoo ka hadlayay kanaalkiisa YouTube, Balague ayaa yiri: “Chelsea ayaa si dhab ah ugu jirta tartanka haddii uu Messi diyaar soo noqdo. Taasi ayaa run ah.

“Chelsea waxay ku adkeysan doonaan inay maqlaan wax walba oo socda.

“Haddii ay heystaan lacagta waxay doonayaan inay qeyb ka noqdaan tartanka. Xusuuso ma jirto lacag lagu iibsanayo Messi.”

Chelsea ayaa qorshahoodu ahaa inay la saxiixdaan xiddigo da’ yar iyagoo ka fekerayo mustaqbalka dheer inta uu Frank Lampard tababare u yahay.

Blues ayaa 230 milyan ginni ku qarashgareysay xagaagii la soo dhaafay saxiixyada Kai Havertz, Ben Chilwell, Hakim Ziyech, Timo Werner iyo Edouard Mendy.

Sidaasi darteed inay keenaan Messi oo 34 sanno jir noqonaya bisha Juun islamarkaana mushahar u qaadanaya 500 kun ginni isbuucii waxay u muuqataa mid aan macquul aheyn.

Manchester City ayaa qorsheyneysa inay xiddiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or keento Premier League.

Xaqiiqda ah in macalinkiisii hore Pep Guardiola uu qandaraas cusub u saxiixay Man City ayaa ka dhaadhicin karta Messi inuu u wareego Manchester.

Waxaa sidoo kale xiiseynaya qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub ee lacagta heysta.

Balague ayaa hadalkiisa raaciyay: “Messi wuxuu wacay Guardiola xagaagii, waxay wada hadleen muddo afar saacadood ah iyagoo ka hadlay waxa ay la micno noqoneyso in Messi uu ku biiro City.

“Wadahadaladaas waan hubaa inay ku jireen sida uu qeyb uga noqon karo qaab ciyaareedka kooxda.

“Miyay City isku dayi doontaa mar kale? Haa waa ay isku dayi doonaan.

“PSG waxay xiriir la sameyneysaa Messi aabihiis, waxaa sidoo kale iyagana doonaya Inter Milan iyo Juventus oo rabta in Messi iyo Ronaldo ay isku keenaan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More