Jadwalka Kulamada Premier League Ee Ciida Masiixiga Ilaa

Jadwalka kulamada xiriirka ah ee Premier League ee la ciyaaro waqtiga ciida masiixiga ilaa dhamaadka sannadka ayaa la soo saaray iyadoo kulamada xiriirka ah ay bilaabanayaan 26ka December oo loo yaqaano Boxing Day.

Xilli ciyaareedkan ma jiro fasax la galayo waqtiga qaboobaha madaama jadwalka uu ciriiri yahay sababo la xiriira Korona Fayras iyo dib u dhicii uu sababay.

Jadwalka maanta la baahiyay ayaa ku soo aadaya xilli tababaraha Liverpool Jurgen Klopp uu ugu baaqay TV-yada baahinaya horyaalka inay ka wada hadlaan sidii ay culeyska uga yareyn lahaayeen ciyaartoyda.

Klopp ayaa ku eedeeyay TV-yada Ingariiska ee leh xuquuqda baahinta inay jadwalka horyaalka ka dhigayaan mid kulamada isku dhow dhow yihiin.

Macalinka Manchester City Pep Guardiola iyo dhigiisa Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa iyagana dhaleeceeyay isbuucyadii ugu danbeeyay jadwalka kulamada ee TV-yada.

Jadwalka Kulamada Premier League Ee Dhamaadka Sannadka:

Sabti, 26ka December

Leicester City v Manchester United

Aston Villa v Crystal Palace

Fulham v Southampton 

Arsenal v Chelsea

Manchester City v Newcastle United

Sheffield United v Everton 

Axad, 27ka December

Leeds United v Burnley

West Ham United v Brighton & Hove Albion

Liverpool v West Bromwich Albion

Wolverhampton Wanderers v Tottenham Hotspur

Isniin, 28ka December

Crystal Palace v Leicester City 

Chelsea v Aston Villa 

Everton v Manchester City

Talaado, 29ka December

Brighton & Hove Albion v Arsenal

Burnley v Sheffield United

Southampton v West Ham United

West Bromwich Albion v Leeds United

Manchester United v Wolverhampton Wanderers

Arbaco, 30ka December

Tottenham Hotspur v Fulham

Newcastle United v Liverpool 

Manchester City, Chelsea, Everton iyo Crystal Palace ayaa heysta waqtiga ugu gaaban ee ay ku soo kabsan karaan iyadoo labada kulan ee ay afarta kooxood ciyaarayaan ay u dhaxeyso kaliya 48 saacadood. Wolves waxay heystaa 45 daqiiqo dheeri ah.

Chelsea iyadoo Arsenal la ciyaartay ayay hadana 48 saacadood ka dib la ciyaari doontaa kooxda Aston Villa. Halka Man City ay 48 saacadood gudaheed la dheeli doonto Newcastle iyo Everton.

Jadwalka ayaa u naxariistay kooxaha Fulham iyo Newcastle kuwaasoo labadooda kulan ay u dhaxeyso 99 saacadood iyo 96 saacadood.

Manchester United, Liverpool, Southampton iyo Arsenal waxay heystaan in ka badan seddex maalmood oo u dhaxeysa labada kulan ay ciyaarayaan ciida masiixiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More