300 Ciyaaryahan Oo Kula Biiray Ibrahimovic Iyo Gareth Bale

Mino Raiola ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 300 ciyaaryahan inay kula biireen Zlatan Ibrahimovic dagaalka ka dhanka ah shirkada sameysa ciyaar gacmeedka FIFA ee EA Sports.

Wakiilkaan caanka ah ayaa sheegay inuusan ka quusan doonin dagaalka ay kula jiraan EA Sports, xiriirka kubada cagta Adduunka ee FIFA iyo ururka ciyaartoyda ee FIFPro.

Ibrahimovic ayaa baraha bulshada ku soo qoray Isniintii in baaritaan lagu sameeyo ciyaar gacmeedka FIFA 21 isagoo ku eedeeyay in shirkada EA Sports ay isticmaashay muuqaalkiisa iyo magaciisa isagoo aan ogolaansho siinin.

Xiddiga Tottenham Gareth Bale ayaa isna ku taageeray Zlatan in baaris lagu sameeyo cida EA Sports ka iibisay xuquuqda muuqaalkooda.

Wakiil Raiola ayaa sheegay inay tani bilow u tahay boqolaal ciyaartoy oo jawaab ka dalbanaya shirkada EA Sports, FIFA iyo FIFPro.

Wuxuu u sheegay wargeyska The Telegraph: “Kaliya ma ahaan doonto Zlatan ama Gareth Bale. Waxaan heynaa 300 ciyaartoy oo iyagana codsiyo inoo soo gudbiyay.

“Ilaa dhamaadka waa socon doono haddii ay xitaa noqoto inaan dagaal la galno FIFA iyo FIFPro iyo qof walba oo iibiya xuquuq aysan laheyn.

“Tani waa mid ka mid ah sharaf dhacyada ugu weyn ee ay FIFA qeyb ka tahay kuwaasoo doonaya inay ciyaartoyda ka dhigaan kuwa la adoonsado.

“Laakiin taasi ma ogolaan doono. Zlatan ma ahan qof lagu qasbi karo waxa uusan dooneynin.

“Cabashadaan waxaa soo gudbiyay ciyaartoyda, waana wax uu Zlatan u heelan yahay.

“Su’aasha waa mid sahlan: FIFA iyo FIFPro waxay ka faa’idayaan xuquuq ay ka iibiyeen EA Sports laakiin xuquuqda iyaga ma lahan,

“Xuquuqda muuqaalka waxaa iska leh ciyaaryahanka, malahan FIFA, FIFPro ama AC Milan. Waxaa iska leh ciyaaryahanka.

“Haddii EA Sports ay sii wado isticmaalka muuqaalka ciyaartoyda ogolaansho la’aan waxaan la kori doonaa maxkamad, waxaan sidoo kale maxkamad la kori doonaa FIFA iyo FIFPro.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More