Liverpool, Arsenal, Chelsea Iyo 10ka Kooxood Ee Loo

Ugu dambayn waxa dib ugu soo laabanaya garoomada horyaalka Premier League taageereyaashii ay ugu dambaysay bishii March ee horraantii sannadkan, waxayse albaabadu u furan yihiin oo ay iman doonaan toddobaad kaddib.

Dawladda UK ayaa xaqiijisay inay soo gabogabaynayso xidh-xidhnaantii iyo xakamihii ay dadka kaga hor joogtay inay yimaaddaan garoomada iyo meelaha lagu kulmo, taas beddelkeedana waxa la samayn doonaa in la yareeyo dadka iskugu imanaya garoomada.

Dawladda ayaa u kala qaadday saddex darajo gobollada waddanka, waxaana loo qaybiyey 1, 2 iyo 3 waxaanay xayiraaddu kusii hadhi doontaa 3.

Arrintan ayay macnaheedu tahay in toddobaad kaddib ay taageereyaashu iman doonaan garoomada toban qaarkood, kuwo kalena ay wali albaabadoodu xidhnaan doonaan.

Naadiyada loo fasaxay inay taageereyaashu soo geli karaan garoomadooda ayaa ah kuwa ka dhisan meelaha darajooyinkoodu khafiifka yihiin.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool ayaa nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto naadiyada ugu horreeya ee taageereyaasha kusoo dhoweyn doona garoomada, halka Manchester City oo ay xafiiltamayaan ay sugi doonto illaa waqti kale oo garoonkeeda Etihad Stadium uu sii xidhnaan doono.

Manchester United ayaa iyaduna aan nasiibkaa heli doonin, sababtoo ah waxay ka dhisan tahay meelaha darajada aan wali la fasixin ku jira.

Halkan kaga bogo kooxaha taageereyaasha loo ogolaaday, inta qof ee garoonka imanaysa iyo kuwa loo diiday

Tottenham – 2,000 taageere

Liverpool – 2,000 taageere

Chelsea – 2,000 taageere

Leicester – 0 – looma ogola

Southampton – 2,000 taageere

Everton – 2,000 taageere

Aston Villa – 0 – looma ogola

West Ham – 2,000 taageere

Wolves – 0 – looma ogola

Manchester United – 0 – looma ogola

Crystal Palace – 2,000 taageere

Arsenal – 2,000 taageere

Manchester City – 0 – looma ogola

Leeds – 0 – looma ogola

Newcastle – 0 – looma ogola

Brighton – 2,000 taageere

Burnley – NO taageere

Fulham – 2,000 taageere

West Brom – 0 – looma ogola

Sheffield United – 0 – looma ogola

Si kastaba, kooxaha ayaa filayay in 4,000 taageere loo ogolaan doono, hase yeeshee dawladdu waxay horyaalka Premier League u ogolaanaysaa 2,000 qof inay garoomada yimaaddaan waqtigan hore, taas oo iyaduba ah wax aad loo sugayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More