Sidan Ayay Ahaayeen Saacadihii Ugu Dambeeyey Nolosha Diego
Qalliinkii lagaga sameeyey madaxa ee soo dhamaadayt November 25, waxa lagaga nadiifiyey dhiig ku furtay maskaxda iyo xididdo gyuntamay balse waxa uu kasoo baxay cusbitaalka isagoo caafimaadkiisu fiican yahay oo gaadhi gacan lagu riixayo, mar dambena waxaaba lagu arkay bannaanka.
Hubaashii geeridiisa degdegga ah ee uu sababay wadne istaagu shaqo kuma laha qalliinka lagaga sameeyey maskaxda sida ay warbaahintu sheegtay, inkasta oo aanay cid si buuxda u caddaynaysaa jirin.
Saacadihii ugu dambeeyey noloshiisa, waxa uu Maradona tegay Delta del Tigre oo ah duleedka Buenos Aires, waxaana la sheegay in ujeeddiisu ahayd inuu kusoo kabto. Waxa uu qalay qol loo diyaariyey oo caafimaadkiisana ku habboonaa. Wuu fiicnaa sida uu xaqiijiyey Leopoldo Lugue oo ahaa dhakhtartiisa, waxaanu ku niyadsamaa inuu soo kaban doono.
10:00am (qiyaastii) maalintii Arbacada ee November 25
Maradona wuxuu soo kacay waqti hore isagoo caadi ah ka hor intii aanu geeriyoonin. Wax buu qaatay, inyar ayuu lugeeyey kaddibna wuu fadhiistay. Waxa garabkiisa joogay dadkiisa caadiga ah, sida Maxi oo ahaa ninka gacanta midig u ah iyo Morla, wiilka uu abiga u yahay, qareenkiisa Jonny iyo waardiyaha guriga.
12:00pm (qiyaastii)
Maradona dhulka ayuu yaallay. Kalkaaliyeyaashiisa caafimaadka ee mar walba la socday ayaa u dhowaa. El Diez (Maradona) waxay u sameeyeen daaweyn laakiin wax dhaqaaq ah way ka waayeen. Markaas ayay qayladu yeedhay. Waxaana warkii ugu horreysay ee geeridiisa soo tabiyey wargeyska Clarin oo dunida murugo ku beeray.
Ambalaas ayaa timid.
Wali wax dhaqaaq ah lagama hayo. Waxa si degdeg ah goobta usoo gaadhay Ambalaas, sidoo kalena waxa jidka kusoo jiray hablaha uu dhalay ee Dalma, Gianinna iyo Jana oo kasoo socday Buenes Aires. Illaa shan Ambalaas ayaa goobta yimid. Laakiin waxba waa loo qaban kari waayey Diego illaa muddo hal saac ah. Si degdeg ah ayuu halkaas ugu naf baxay.
Maalintii murugada
Maanta oo xigtay iyo laba maalmood oo kale ayuu waddanka Argentina ku jirayaa baroor-diiq uu ku dhawaaqay madaxweynaha waddankaasi, waxaana maydkiisa la geeyey qasriga Madaxtooyada.