Jurgen Klopp Oo Ku Eedeeyey Premier League & TV-yada Inay

Jurgen Klopp ayaa rumaysan in kooxdiisa Liverpool lagu hayo dagaal, lagana gelayo dembi lagu curyaaminayo kaddib markii ay xalay guul-darro 2-0 ah kala kulmeen kooxda Atalanta oo kusoo booqatay garoonka Anfield.

Reds ayaa fursad u haysatay inay u gudubto wareegga 16ka haddii ay ka badin lahayd Atalanta laakiin laba gool oo ay ka dhaliyeen Josip Ilicic iyo Robin Gosens ayaa xabaal ku riday rajada ahayd inay Liverpool waqti hore usoo baxdo wareegga xiga.

Guul-darradan ayaa noqotay middii ugu horreysay ee tan iyo September 2018 kasoo gaadha garoonkeeda Anfield, waxayse wali fursad u haystaan inay iska xaadiriyaan wareegga xiga usbuuca dambe haddii ay guuleystaan.

Tababare Jurgen Klopp ayaa markii ay soo dhamaatay ciyaartii Atalanta ee guul-darradu kasoo gaadhay waxa uu cabasho ka muujiyey waxa uu ugu yeedhay ‘dembi laga gelayo’ kooxdiisa, isagoo tilmaamay in jadwal cidhiidhi ah si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo.

Liverpool ayaa Sabtida waxay la ciyaaraysaa Brighton laakiin dhibaatada jirta ayaa waxay tahay inay ciyaartani bilaabmi doonto duhurka 12.30 waqtiga UK oo ku beegan, taas oo ku yaraynaysa waqtiga diyaar garowga.

“Waxaan ka baqayaa inaan idhaahdo, laakiin waxay kasii baxaysaa xadka. Ilama aha inay annaga oo kaliya nagu kooban tahay balse naadiyada kale ayaa nala wadaagaya.” Ayuu yidhi Klopp oo intaa ku daray: “BT Sports oo ah saaxiibbaddayda khaaska ah ayaa na weydiisanaya inaanu 12.30pm ciyaarno Sabtida, taas oo haddii aan si daacadnimo ah u hadlo nagu ah gef (dembi).”

Ciyaartii laga badiyey ayaa iyadana waxa laga weydiiyey, waxaanu yidhi: “Waxba kama qaban karo ciyaarta balse waanu hambalyaynaynaa.”

Arrinta uu farxadda u arko Jurgen Klopp ayaa waxay tahay in kooxdiisa aanay wax dhaawacyo ahi kasoo gaadhin kulankii Atalanta, waxaanu yidhi: “Waxa kaliya ee i farxad gelinaya waqtigan, waa in aanay cidina naga dhaawacmin, waxaanan rajaynayaa inaanu si degdeg ah usoo kaban doono.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More