“Hogaamiyayaasha Ka cabanayeysa Guddiga Doorashada dib ha u
Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa ku dheeraaday Amniga, Doorashada, Khilaafka siyaasadeed & xaaladda dalka.
Lafta Gareen ayaa Raysul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu u gudbiyay wax ka qabashada go’doonka Degmooyinka oo saameyn taban ku yeeshay isu socodka dadka & ganacsiga.
Waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay dhaqangelinta jadwalka doorashada, Dowlad Goboleedyada kale waxa uu ugu baaqay in ay dadejiyaan dhameystirka waxyaabaha dhiman si doorashada Aqalka sare loo galo bartamaha bisha December 2020.
Hogaamiyayaasha musharixiinta Xildoonka ah ee welwelka ugu badan ka muujiyay Guddiga Doorashada kadib markii ay sheegeen in lagu biiriyay xubno ka kala tirsan Nabadsugidda & Madaxtooyada ayuu ugu baaqay in ay dib u xusuustaan waxyaabihii ay horay u sameeyeen.
“Dadka ka cabanaya Guddiyada ee u badan madaxdii hore waxaan ka codsanayaa inta ay kaligood meel fadhiistaan hasoo xusuustaan wixii ay soo sameeyeen, waxa aan hubaa in guddigaan lagu qanacsan yahay marka la eego reer Koofur Galbeed” ayuu yiri Hogaamiye Lafta gareen.
Dhanka kale, Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen waxa uu sheegay in welwelka & shakiga uu bato marka doorashada la aadayo, iyada oo la tuhmayo in lagu shubanayo, taasina guud ahaan caalamka ay ka jirto.
Mas’uuliyiin u badan madax dalka xilal kala duwan kasoo qabatay oo hami ka leh u loolamidda doorashada Hogaamiyaha 20/21 ayaa dhaliilsan Guddiga doorashada ee ka yimid Dowlad Goboleedyada oo ay sheegeen in la baalmaray nidaamka dalka u yaalla.
Axadle.