Ciidamada DFS oo Howlgal ka sameeyay inta u dhaxeysa

Ciidamada ammaanka DFS ayaa xalay howlgal baaris u badan ka sameeyay waddada isku xirta Deegaanka Ceelaha Biyaha & Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed.

Askarta ayaa baaris ku sameysay Gawaarida aan badneen ee xiliyada habeen socota, dadka saaran & meelo si gaar ah ay u bartilmaameedsadeen sida ay Axadle u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ciidamada ayaa howlgalka xooggiisa bilaabay Xalay Fiidkii, Meelaha ay howlgalka uu saameeyay waxaa kamid ah Calamada, Xaawa Cabdi, Lafoole & Carbiska sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka socda howlgal & dhaq-dhaqaaqyo Ciidan, waxaa barbar socda dagaallo & weeraro ciidamada Dowladda ay fuliyaan, halka Al-Shabaab dhankooda ay weerarto askarta DFS iyo AMISOM.

Laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliya & DG Koofur Galbeed wali ma aysan faah-faahin howlgalka ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanka Ceelaha Biyaha & Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More