“Fulayiintii Masaarida Ayuu Cabsi Ku Dhex Faafiyey, Isaga

Mohamed Salah ayaa lagu eedeeyey inuu ka tallaabay xayndaabka xakamaynta xanuunka Korona Fayras, isla markaana uu tegay xaflad aroos oo walaalkii lahaa xilli dunidu kala xidh-xidhan tahay oo ay ahayd inuu is-dhawro balse taas beddelkeeda uu xafladdii kasoo qaaday Xanuunkan.

Halyeygii Masar ee Mido ayaa ku tilmaamay Mohamed Salah inuu baqasho iyo cabsi ka abuuray xarunta tababarka xulka qaranka Masar, kuwaas oo uu ku sifeeyey inay yihiin ‘fulay’.

Mohamed Salah oo ay da’diisu tahay 28 jir ayaa seegaya kulamada horyaalka Premier League gaar ahaan Leicester City oo Axadda ugu imanaysa Anfield, taas oo ay ka maqan yihiin xiddigo badan oo dhaawac ah.

Mido oo hore ugu ciyaari jiray kooxaha Ajax, Tottenham iyo Roma ayaa la hadlay telefishanka Al-Nahar TV, waxaanay eedayn u jeediyey Mohamed Salaha isaga oo yidhi: “Mohamed Salah wuxuu qalad ku sameeyey inuu ka qayb-galay arooska walaalkii maalmo ka hor kulanka xulkanka, wuxuu muujiyey dayacaad weyn oo uu kaga tallaabsaday xayndaabka xakamaynta xanuunka, natiijaduna waxay noqotay inuu isaga ku dhacay fayrasku.

“Dayacaadda Mohamed Salah waxay sababtay in Masar ay weydo xiddig muhiim ah kulan aad iyo aad muhiim ugu ah, waxa kale oo uu halis geliyey caafimaadka ciyaartoyda.

“Masuuliyiinta Masar wax eedayn ah umay jeedinin Mohamed Salah iyo khatarta dayacaaddiisu gelisay ciyaartoyda xulka, waxanaan magacaabi karaa wasiirka ciyaaraha Ashraf Sobhi, Guddoomiyaha xidhiidhka Amr Al-Ganayni iyo tababaraha xulka Hossam Al-Badri iyo agaasimaha kooxda qaranka Mohamed Barakat. Dhamaantood waa fulayiin, waxaanay ka baqayaan taageereyaasha Mohamed Salah ee jecel xiddiga Liverpool, laakiin waxaan hadlayaa xisaab la’aan iyo anigoon cidna ka baqayn, wixii aniga la iga sheegayna hore ayaa la iiga sheegay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More