Donald Trump Iyo Kooxda Leeds United Oo Warbaahinta Iskugu

Leeds UNited ayaa baraha bulshada ugu jawaabtay Madaxweynaha muddadiisu sii dhamaanayso ee waddanka Maraykanka ee Donald Trump, kaas oo baraha bulshada ka sameeyey arrin kooxdan la la xidhiidha.

Madaxweyne Trump oo weerar ku qaadayay telefishanka Telefishanka FOX NEWS waxa ereyadii qallafsanaa ee uu kusoo xusay (mention-gareeyey) ama tag gareeyey barta Twitterka ee taageerada Leeds United ee “Lifelong Leeds United”, taas oo keentay in kooxduna jawaab degdeg ah oo ku maadaysi ah ay ka bixiso.

Leeds United ayaa waxay qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada, waxay ku tilmaantay Trump inuu wali u haysto in doorashadii ololuhu ay socoto, xilli uu madaxweynahan maalmihiisii ugu dambeeyey kusii jira aqalka cad ay wali ka dhaadhici la’ dahay in lagag adkaaday doorashaday doorashada.

Trelefishanka Fox News ayaa Axaddii ku marti-qaaday istuudiyahooda Pete Buttigieg oo ah mayorkii hore ee South Bend ee gobolka Indiana, waxaana arrintan ka cadhooday Trump oo markiiba bartiisa bulshada ku soo qoray ereyo uu ku weerarayo telefishanka oo uu xusay inuu hoos u dhac ku yimid oo uu hadh-cad qiimihiisa luminayo, waxaana ereyadan uu u diray taageeraha Leeds United.

Leeds United ayaa qoraal ay iyaduna barteeda bulshada soo dhigtay, waxay kusoo daabacday sawir (Emoji) qoslaya iyo qoraal kooban oo u dhignaa sidan: “Wuxuu u maleeyey in doorashadu xumayd, kaddibna waxa uu ka daba tegay taageeraha Leeds United.”

Dad badan ayaa dareenkooda uu soo jeediyey qoraalkani, waxaanay Leeds United noqotay hadal haynta ugu badan ee baraha bulshada waddanka Maraykanka kaddib qoraalka Trump iyo jawaabta kooxda.

Dadka qaakrood ayaa waxay is weydiinayeen sida Madaxweyne Maraykanka ka arrimiya uu ugu kacayo fal koox la xidhiidha oo hadal uu warbaahintiisa bulshada ku qoray uu taageere Leeds United ah ugu diri karay.

Si kastaba, Leeds United ayaa xili ciyaareedkan wacdaro ka dhigaysa horyaalka Premier League oo ay dib ugu soo laabatay kaddib 16 sannadood oo ay ka maqnayd, waxaanay ku jirtaa kaalinta 14aad balse haddii ay Axadda ka adkaato Arsenal waxay soo geli kartaa kaalinta 7aad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More