Waa Maxay Sababta Ay Barcelona 33 Milyan U Siineyso Lionel

Barcelona ayaa ku qasban inay Lionel Messi siiso lacag gaareysa 33 milyan euro xagaaga danbe xitaa haddii uu doorto inuu si xor ah uga tago kooxda.

Messi ayaa isku dayay inuu soo gabagabeeyo waqtigiisa Camp Nou xagaagii la soo dhaafay laakiin waxaa taas ka horjoogsaday in qandaraaskiisa lagu burburin karay 700 milyan euro.

Laakiin wuxuu ku bixi karaa si xor ah xagaaga soo socda iyadoo ESPN ay sheegeyso inuu lacag aad u badan ku leeyahay Barcelona.

Qandaraaskii uu 33 jirkaan saxiixay sannadkii 2017 waxaa ku jirtay sharuud aheyd in la siiyo 66 milyan euro oo ah lacag loogu abaalmarinayo mudadii dheereyd ee uu kooxda joogay.

Kala bar lacagtaas waxaa la siiyay bishii Febraayo ee sannadkan, iyadoo 33da milyan euro ee soo hartay la siinayo marka uu qandaraaskiisa dhamaado bisha Juun.

Waxay la micno tahay inuu heli doono lacagta xitaa haddii uu doorto inuu soo gabagabeeyo mudadii dheereyd ee uu xiriirka la lahaa Blaugrana.

Sida ay sheegtay El Chiringuito Manchester City ayaa ugu cadcad saxiixa xiddigaan laakiin waxaa qasab ah inay labo heshiis ka dhacaan Etihad ka hor inta uusan Messi imaanin.

Warbixinta barnaamijka waxaa lagu sheegay in Messi uu doonayo in Pep Guardiola uu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa si la mid ah xiddiga ay isku wadanka yihiin Sergio Aguero.

Guardiola ayaa tababare u soo ahaa xiddiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or intii u dhaxeysay 2008 iyo 2012 iyagoo isla qaaday labo Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More