20ka Ciyaartoy Ee Ugu Golasha Badan Taariikhda Champions League Iyo
Karim Benzema ayaa gool qurux badan oo uu xalay ka dhaliyey Chelsea, waxa uu ku galay taariikhda kooxdiisa Actual Madrid iyo midka Champions League intaba, sababtuna waxay tahay, in uu soo qabtay rikoodhkii gool-dhalinta halyeygii kooxdaas ee Raul Gonzalez oo ay hadda isku mid yihiin.
- Advertisement -
Raul oo mar ahaan jiray ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Champions League ayaa dhaliyey 71 gool, waxaana la mid noqday Benzema oo waliba fursad u haysta in inta aanu dhamaanin xilli ciyaareedkani uu dhaafo.
Laacibka reer France ayaa 16 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah waxa uu goolal ka dhalinayay tartanka Champions League, waxaanu hadda laba gool oo kaliya ka dambeeyaa Robert Lewandowski oo saxeexay 73 gool.
Haddii uu soo qabto Lewandowski, Benzema ayay ka horreyn doonaan laba ciyaartoy oo aanu midkoodna hiigsan karin in uu soo qabto, macquulna aanay u noqon karaynin, waana Cristiano Ronaldo oo dhaliyey 134 gool iyo Lionel Messi oo saxeexay 119 gool, taas oo ka dhigan, in Ronaldo uu ka dambeeyo 63 gool halka Lionel Messi na uu ka hooseeyo 48 gool.
Inkasta oo aanu ahayn dhaliye dabiici ah, haddana sannadaha badan ee uu kasoo ciyaarayay tartankan ayaa fursad u siisay in uu ka mid noqdo ciyaartoyda ugu goolasha badan taariikhda Champions League.
Halkan kaga bogo 20ka ciyaartoy ee ugu goolasha badan taariikhda Champions League:
20. Gerd Muller – 34
=18. Ferenc Puskas – 35
=18. Edinson Cavani – 35
17. Sergio Aguero – 41
16. Neymar – 41
15. Alessandro Del Piero – 42
14. Didier Drogba – 44
=12. Eusebio – 46
=12. Filippo Inzaghi – 46
11. Thomas Muller – 47
=9. Andriy Shevchenko – 48
=9. Zlatan Ibrahimovic – 48
8. Alfredo di Stefano – 49
7. Thierry Henry – 50
6. Ruud van Nistelrooy – 56
=4. Karim Benzema – 71
=4. Raul – 71
3. Robert Lewandowski – 73
2. Lionel Messi – 119
1. Cristiano Ronaldo – 134