Xiddigii Garoonka Ee Aan Goolka Dhalinin, TODDOBA Ciyaartoy

Heung-Min Son iyo Harry Kane ayaa ahaa geesiyada Tottenham mar kale ku celiyey inay qabato hoggaanka horyaalka Premier League, iyagoo farxad kusoo dhoweeyey taageereyaal 2,000 qof ahaa oo markii ugu horryesay yimid Tottenham Hotspur Stadium tan iyo bishii March ee horraantii sannadkan.

- Advertisement -

Labadan xiddig ayaa min hal gool u dhaliyey Tottenham kulankii North London derby ee ay 2-0 ku garaaceen Arsenal.

Daqiiqaddii 13aad ayay Arsenal heshay madax-xanuunka ugu horreeyey ee ciyaarta, waxaana gool qurux badan oo uu soo jaray ka dhaliyey Heung-Min Son oo kubbad ka helay Harry Kane oo caawintii siddeedaad ee Premier League ee xili ciyaareedkan sameeyey.

Garsooraha oo afka ku haya siidhiga dhamaadka ayay Spurs hoggaanka ciyaarta sii dheeraysatay waxaana gool qurux badan ugu labeeyey Harry Kane oo noqday ciyaartoygii Tottenham ee goolashii ugu badnaa ka dhaliyey Arsenal taariikhdeeda, waxaanu shabaqooda taabsiiyey 11 gool.

Xiddigii garoonka

Pierre-Emile Hojbjerg oo khadka dhexe kala goostay ayaa noqday xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka, waxaana uu u babbac-dhigay oo uu awood u yeeshay inuu qariyo dhamaan ciyaartoydii Mikel Arteta uu safkiisa usoo xulay inay booskan ka ciyaaraan.

Laacibkan ayaa si adag uga halgamay khadka dhexe waxaana uu joojiyey kubbadihii u tegi lahaa Aubameyang isagoo ku qasbay Aubameyang inuu noqdo mid go’doon ah.

Harry Kane iyo Heung-Min Son ayaa qiimaynta ugu badan ee kulanka ay isku mid ka ahaayeen, laakiin waxa xiddignimada loo doortay Pierre-Emile Hojbjerg.

Saddexdan ciyaartoy ayaa dhamaantood helay darajada 9 ee qiimaynta kulanka, balse kooxda oo dhan ayaa aad u wanaagsanayd oo heshay qiimayn min 8 ah marka laga reebo Sissoko oo 7 ka helay qiimaynta kulanka.

Ceebta ugu weyn ee ciyaartan waxay usoo hoyatay Aubameyang oo ahaa ciyaartoygii ugu liitay, waxaanu qiimaynta kulanka ka helay darajada 8, balse dhamaan ciyaartoyda kale ayaa urursaday qiimayn u dhaxaysay darajooyinka 5 & 6, taas oo muujinaysa sida ay u liiteen.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Tottenham: Lloris (8), Aurier (8), Alderweireld (8), Dier (8), Reguilon (8), Sissoko (7), Hojbjerg (9), Son (9), Lo Celso (8), Bergwijn (7), Kane (9).

Beddelka: Davies (6), Lucas (n/a), Rodon (n/a)

Arsenal: Leno (5), Holding (5), Gabriel (6), Tierney (6), Bellerin (6), Partey (5), Xhaka (5), Saka (6), Willian (5), Lacazette (5), Aubameyang (4).

Beddelka: Ceballos (6), Nketiah (6)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More