Xavi Oo Noqonaya Tababaraha Barcelona, Tielemans & Mahrez Oo
Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.
- Advertisement -
Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Isniin ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:
Xiddiga reer Belgium ee khadka dhexe uga ciyaara Leicester Metropolis ee Youri Tielemans ayaa wada-hadallo la furay kooxdiisa. 24 jirkan oo gool uu u dhaliyey finalkii FA Cup ay kooxdiisu koobka kaga qaadday Chelsea ayaa uu heshiiskiisa ka hadhsan yihiin laba sannadood. (Mail)
Laacibka reer Brazil ee Willian ayaa go’aansaday in uu iskaga tago Arsenal xagaagan, laakiin Gunners ayaan wali helin wax dalab ah oo laga soo gudbiyey 32 jirkan. (Fabrizio Romano)
Tababarihii hore ee Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa u muuqda in uu kala wareegay Raul Gonzalez saadaasha tababaraha cusub ee Actual Madrid ka beddelaya Zidane. (Marca)
Barcelona waxay wada-hadallo la bilowday halyeygoodii hore ee khadka dhexe ee Xabi Hernandez oo hadda ah tababaraha kooxda Al Sadd ee reer Qatar, waxaanay doonayaan in uu beddelo Ronald Koeman. (ARA Esports)
Napoli waxay kula dagaallami doontaa Manchester United saxeexa difaaca Villarreal iyo xulka qaranka Spain ee Pau Torres oo 24 jir ah. (La Gazzetta dello Sport)
Goolhayaha kooxda Wolves iyo xulka qaranka Portugal ee Rui Patricio oo 33 jir ah, waxa laga yaabaa in uu u dhaqaaqo Roma oo uu ka hoos ciyaaro Jose Mourinho. (La Gazzetta dello Sport)
Riyad Mahrez oo garabka weerarka uga ciyaara Manchester Metropolis iyo xulka qaranka Algeria, waxa uu doonayaa in uu xirfaddiisa ciyaareed kusoo gabogabeeyo Man Metropolis. 9RMC)
Difaaca reer Netherlands ee Sven Botman oo lala xidhiidhiyey Liverpool bishii January, ayaa sheegay ‘in ay arrin cajiib ah ahaan lahayd haddii uu Premier League tago’, laakiin 21 jirkan ayaa dhinaca kale tibaaxay in uu ku faraxsan yahay kooxda reer France ee Lille. (Athletic)
Difaaca Tottenham ee Toby Alderweireld waxa bartilmaameed ka dhiganaysa Membership Bruges, laakiin 32 jirkan ayaa waqtigan aan go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa iyo in uu ku laabto kooxdiisii hore. (Voetbal 24)
Leeds United iyo Burnley ayaa kula soo biiray Souuthampton, Watford iyo Rangers dagaalka loogu jira garabka weerarka Newcastle ee Jacob Murphy oo 26 jir ah. (Soccer Insider)
Kubbad-sameeyaha reer Turkey ee Hakan Calhanoglu oo dhexda ciyaara ciyaara AC Milan ayuu heshiiskiisu ku eg yahay 30ka bisha June ee soo socota, waxaana uu sheegay in mustaqbalkiisa San Siro aanu ku xidhunayn in Milan ay gaadho Champions League. Waxa uu tibaaxay in uu wada-hadallo xaaladdiisa ah la furi doono kooxda marka uu xilli ciyaareedku dhamaado. (Sky Sport Italia0